Saameynta u Dhexeeya Hirdanka Sucuudiga iyo Iiraan

0
478

Sucuudiga iyo Iiraan oo ah labo dal oo daris ah, misna xoog badan ayaa si weyn ugu hardamaya midkoodii ku  gacan sarayn lahaa gobolka Bariga Dhexe.

Loolankan oo soo jirey tobonnaan sano ayaa sababta ugu weyn ay tahay wax salka ku haya diinta, taas oo ah kala duwanaanshaha mad-habka Sunniga ah iyo kan Shiiciga ah. Iiraan waxaa u badan Shiicada, Sacuudigana Suniga. Maxaa ugu wacan xafiiltanka qadhaadh ee Sucuudiga iyo Iiraan?

Kala duwanaanshahan u dhaxeeya labada dal waa mid sidoo kale ka jira dalalka Bariga Dhexe intooda kale, kuwa ay Shiicada ku badantahay waxa ay ku xidhan yihiin Iran, halka dalalka Suniga u badanyihiina ay isu riixaan dhanka Sucuudiga.

Taariikh ahaan Sucuudiga ayaa hormuud u ahaa dunida islaamka, balse markii lasoo gaadhay sanadkii 1979-kii waxaa dhashay kacaankii islaamiga ahaa ee Iiraan, kaas oo xitaa ay ka go’nayd in ay faafiyaan mad-habka shiiciga ah. Wuxuuna loolan adag la galay hoggaamintii Sucuudiga.

15 kii sano ee la soo dhaafay ayaa si gaar ah ay cirka isku shareertay xasaradda u dhaxaysa labada dal.

Duulaankii Maraykanka uu ku qaaday Ciraaq oo dal sunni ahaa ee lagu dilay Sadaam Xuseen ayaa wuxuu meesha ka saaray mid ka mid ahaa caqabaddii ugu weyneyd ee Iran hortaagnayd. Waxaa sidoo kale dhacday in saamaynta Iran ay ku faafto Ciraaq.

Markii la soo gaadhay sannadkii 2011-kii oo ay dhasheen kacdoonadii shacabka ee Carabta, ayay labadan dal ka faa’iideysteen xaalada qalalaasaha ah ee dalalkaas ka jirtay si ay u faafiyaan saamayntooda.

 

Xaalka ayaa aad uga daraya sababtuna waxay tahay Iiraan oo u muuqata in ay ku guuleysanayso tartanka.

Dalka Suuriya, Iiraan oo garab ka heleysa Ruushka ayaa xukuumadda Bashaar Al Asad ka caawisay in uu meesha ka saaro inta badan ciidammadii kooxaha falaagada.

Sucuudiga ayaa si naf la caarinimo ah isugu dayaya in uu uga hortago qorsheyaasha Iiraan, iyada amiirka da’da yar ee Maxamed Binu Salman uu hormuud ka yahay dadaaladaas.

Dalalka sida tooska ah loogu hardamayo waxaa ka mid ah dalka Yemen oo uu ka socdo dagaal labo sano jirsaday oo u dhaxeeya xulufada uu Sucuudiga hormuudka ka yahay iyo kooxda Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto.

Dalka Lubnaana, dad badan oo siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in Sucuudiga ay ku cadaadisay Ra’isulwasaarihii dalkaas Sacad Xariiri in uu is casilo.

Sucuudiga wuxuu taageero xoog badan ka haystaa xukuumadda Trump ee Maraykanka iyo waliba Israa’iil oo la sheegay in ay Sucuudiga ku taageersantahay dadaalka in Iran wax laga qabto.

Israa’iil ayaa cabsi weyn ka qabta halista ay ku yeelan karto in maamullo Iiraan dabada ka riixayso sida Suuriya oo kale.

Markii sannadkii 2015-kii Golaha Ammaanka u codeynayeen heshiiskii hubka Nuyuukleerka , Israa’iil iyo Sucuudiga ayaa ka soo horjeedsaday.

 

Leave a Reply