Lambar Gaadhi oo lagu kala Iibsadey Lacag aan Caadi aheyn

0
408

Warbaahinta dalka Imaaraatka Carabta ayaa aad u hadal haysay maalmahan   arday 12-sano jir ah oo lacag waali ah ka bixiyay lanbar gaadhi oo lagu soo bandhigay carwo ku taala magaalada Abu Dubai.

Khalifa Al Masru oo ah wiil 12-sano jir ayaa bileydh  gaadhi oo numberkeesu yahay 1111 ka bixiyay lacag dhan afar boqol oo kun oo Dollar, waxaana lacagtan qeyb ka mid ah wiilkani ka helay tartan Quraan akhris ah oo  uu ku guuleystay, halka inta kalana uu aabihiis ka bixiyay.

Gaadhigan loo gaaday bileydhka qaaliga  ah oo noociisu yahay Mercedes ayaa ah gaadhi wiilkan yar Iskuulka lagu geeyo, wiilkan ayaana nasiib u laheyn in uu gacantiisa ku wato gaadhigaasi qaaliga ah maadaama da’diisa ka yartay 18-sano.

Booliiska magaalada Dubai ayaa soo bandhigay carwadan lagu iibsanayo lambarada  tirsigooda uu fududyahay ama yahay lambaro isku aadan, iyada oo ujeedada xaraashka uu yahay in lacag loogu uruuriyo ciidammada booliiska.

Cawradan lagu iibinayay taarikada qaaliga  ah ayaa sidoo kale lagu iibsaday mid  lamberkeedu yahay No.2, waxaana taarikadan lagu iibsaday lacag gaadheysa $2.7 milyan doolar.

 

Leave a Reply