Sacad Xariiri oo Hakad geliyay Is casilaaddiisii

0
415

Reysal wasaaraha Lubnaan, Sacad Al Xariiri, ayaa sheegey Arbacada in uu dib u dhigayo is casilaaddiisa, kadib markii uu madaxweyne Michel Aoun. uu sidaas ka dalbaday.

Isagoo kula hadlayay wariyayaasha magaalada Bayrut, kadib isu soo bax maalinta xorriyada Lubnaan, ayuu Xariri ku macneeyay in dib u dhigista is casilaaddiisa ay ka macno tahay si waqti loo siiyo wada hadallo dhex mara isaga iyo madaxweynaha.

Waxa uu sababay in qalalaase siyaasadeed dhexda laga galo, kadib markii uu bishan horraanteedii kaga dhawaaqay dalka Sacuudiga in uu xafiiska ka degayo, wixii markaas ka dambeeyayna waxa jirey warar la isla dhex marayay in Sacuudiga lagu xabbisay.

Madaxweyne Aoun ayaa sheegay in uusan aqbaleyn istaqaaladda Xariiri illaa uu si fool ka fool ah uu ugala hadlo arrimahaasi Sacad al Xariiri.

Xariiri ayaa kadib markii uu booqday dalalka Faransiiska iyo Masar, waxa uu dib ugu laabtay Lubnaan salaasadii.

Leave a Reply