Xasan Ciise oo Sharraxay Shakhsiyadda Madaxweynaha la Doortay

0
413

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac ayaa si qoto dheer uga  hadlay aqoonta uu u leeyahay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Waxaanu sheegay in ay guul weyn u tahay mujaahidiintii SNM.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waxa uu ku sifeeyay madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, in uu yahay shaqsi dulqaad badan, oo dabeecad wanaagsan, waxaannu yidhi “Guusha Muuse Biixi Cabdi qoladayadii jabhada aheyd ee SNM guul gaara ayay u tahay, farxad ayay sidoo kale noo tahay in mid ka mida nimankii aanu wadankan halganka u soo wada galey doorashadii ku guuleystay, islamarkaana uu madaxweyne beegsanayo, laba qodob oo aanay Muuse dadku ku aqoon ayaan inta badan anigu ugu daraa, waa mid wakhtigii jabhada iyada oo xera-jooga ciimadu wagash wagash yahay, oo aanu wanaagsaneyn ayuu Muuse noo yimid, inta uu budh iyo tooray iyo caday dheer qaatay ayuu xeradii u fadhiistay ciidankiina waa ay ku daydeen, jabhada SNM-na waxaa uu ku soo kordhiyay xera-jooga saraakiisha, oo wax naga maqan ahaa, wax weyna ka badelay jabhadii SNM-ta, sababta arrinkani ugu suuragaleyna waxay aheyd isaga oo aan qayili jirin, marka dagaal la galeyo askata waa la heli jiray hase ahaate inta u dhaxeysa ayaanay jirin wax aad ku xisaabtanto, oo meeshi aad ugu tagto oo xeradii aad ka helaysaa aanay jiri jirin, intaanu Muuse iman waana qodob aad iyo aad muhiim u ahaa, guushii qaranimada Somalilandna wax weyn ka taray”

 

Xasan waxa uu Muuse ku sifeeyay shaqsi dulqaad badan waxaanu yidhi “Intii aynu Somaliland la baxney Muuse waxaanu si gaara ugu kulaney dib u habeyntii SNM ee sanadkii 1999-kii anaga oo badneyn, hadana Muuse arrinkaasi sigaara ayaan ugu bartay, Muuse dadku waxa ay u yaqaaneen inuu ahaa nin xanaaq badan, seef la booda, cadho badan oo xayraan ah, hase ahaate anigu waxaan ku bartay inuu ahaa nin dulqaad badan, aniga iyo Muuse waxaanu ku talin jirnay in mucaaridnimadu aanay noqon mid wax burburisa oo kala yaac iyo qixitaan danbe, umada u horseeda, ninka kaliya ee igu raacay arrinkaasi Muuse Biixi ayuu ahaa xiligii dib u habeyntii SNM markaa waxaa uu ahaa nin bisil oo waayeela, ninna intiisa lagama tagee.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply