Xisbal-xaakimka KULMIYE oo Iftiimiyay in Madaxweynaha la Doortay uu Xoojinayo Iskaashiga Somaliland iyo UAE

0
410

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha la doortay  Md. Muuse Biixi Cabdi oo ah  kii shanaad ee ay yeelato Somaliand,   tan iyo markii ay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, ayaa bog cusub u furaya iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka carabta (UAE).

 

Siday baahisay majaladda caanka ah ee The National ee ka faaqida  arrimaha khaliijka carabta iyo bariga dhexe, waxaanay   warbixin dheer oo ay daabacday ciwaan uga dhigtay “Madaxweynaha cusub ee Somaliland wuxuu xoojinayaa cilaaqaadka ay la leeyihiin UAE”, waxaana soo turjumay Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Dawan, Cumar Maxamed Faarax.

 

Waxaanu warkaasi u qornaa  sidan:-“Madaxa siyaasadda guud u qaabilsan xisbal-xaakimka KULMIYE, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa u sheegay majallada The National in madaxweynaha doorashada ku guulaystay, Md. Muuse Biixi Cabdi uu tixgelinayo horusocodka laga sameeyay iskaashiga ay la leeyihiin UAE, isla markaana uu u heellan yahay inuu taabogeliyo cilaaqaadkii jiray ee u dhexeeyay labada dal.

Prof. Samatar ayaa intaas ku daray in dawladdu ay mudnaan weyn siinayso horumarinta iskaashiga cusub ee ay wadaagaan Somaliland iyo UAE, “Waxaannu doonaynaa inaanu sii xoojinno qotada iyo dhumucda xidhiidhka  aanu la leenahay Imaaraadka carabta (UAE),”ayuu yidhi Prof. Samatar.

 

 

Somaliland oo dadkeedu yihiin afar milyan oo qof, wali caalamku may aqoonsan, waxase ay xiliyadan dambe kasbatay  maalgashi ballaadhan oo ay ka heshay Gacanka carabta (Gulf), waxaana  horaantii sannadkan ay dawladdu ogolaatay in dalka UAE ay saldhig badda ah ka samaystaan marsadda Berbera.

 

Heshiiskani wuxuu ka dhashay kadib markii DP World  oo Imaaraadka laga leeyahay ay la saxeexatay Somaliland heshiis soddon sannadood socon doona, oo lagu horumarinayo dekedda Somaliland.

 

 

Bishan, DP World waxay sheegtay inay ka samaynayso Somaliland aagga suuqa xorta ah oo la mid ah ka ay ka hirgelisay marsada Jebel Ali ee Dubia.

 

“Saldhiga millatari wuxuu faa’iidooyin badan u leeyahay dhinaca nabadgelyada bulshada Somaliland, waxaa faa’iidooyinkaasi u baahan yihiin in xog badan laga siiyo dadweynaha,”ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.

 

 

Xisbiga KULMIYE  wuxuu leeyahay  lix tiir oo ku wajahan siyaasadda caamka ah oo uu muhiimada siinayo, siduu ku balanqaaday barnaamij siyaasadeedkiisa, waxaana ka mid ah;  Kobcinta dhaqaalaha, Amniga qaranka iyo middaynta ummadda , siyaasadda dibadda, Adeegyada caafimaadka, Caddaalada iyo Waxbarashada.

 

Prof. Samatar ayaa aaminsan in lixdaas tiir, mid kastaaba uu soo hoos galayo cilaaqaadka ka dhexeeya Somaliland iyo waddanka  Imaaraadka carabta.

 

“Dalka isu-tagga Imaaraadka carabtu waa bogcad caalamiya oo dawladnimadeedu si caadi ah u shaqaynayso oo dabaqaysa heerarka caalamiga ah, taasi oo ah waxaa dadka Somaliland iyo madaxweynahooda cusubi u arkaan inay tixgelin siiyaan,”ayuu yidhi Prof. Samatar, waxaanu sheegay inay mashaariic badan  oo ay wada qabsadaan u soo bandhigi doonaan dawladda Imaaraadka.

 

 

 

Madaxii goobjoogayaashii caalamiga ahaa ee doorashadii madaxtooyada Somaliland,  Dr Michael Walls,ayaa   sheegay  in madaxweynaha cusub ee Somaliland uu kor u sii qaadi doono  xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka carabta, maadaama oo aanu ka noqonaynin heshiisyadii ay gashay dawladdii ka horraysay.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in fulinta heshiisyada iyo iskaashiga labada dhinac la meel marin doono maadaama oo ay la soo  dhaafay marxaladii doorashada.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply