Tareen ula Anbadey Rakaabkii Jiho aan aheyn Halkii ay u Socdeen

0
429

Koox beeralay ah oo dalka Hindiya u dhashay ayaa sheegay in markaliya ay ku baraarugeen in tareenkii ay saarnaayeen u geeyay masaafo 160km ah oo aanan ahayn halkii ay u socdeen.

Illaa 1,500 beeralay ah ayaa u socday gobolka galbeedka ah ee Maharashtra iyaga oo ka soo laabtay mudaaharaad ay kaga qeybgalayeen magaalada Dehli.

Balse saacado kadib ayay ogaadeen in tareenka ay saaranyihiin uusan marin waddadii lagu heshiiyay, kuna socdo mid qaldan oo jiho kale ah.

“Waxaan safarka bilownay saacadda markii ay ahayd 10pm, waxaanan gaadhnay gobolka Uttar Pradesh saqdii dhexe. Markii ay ahayd 4am ayaan ogaanay in aan joogno gobolka bartamaha ee Madhya Pradesh, taas oo aanan ahayn halkii aan ku heshiinay in uu maro tareenka” ayuu yidhi Sagar Shambhushete oo BBC-da la hadlay.

Wuxuu intaas ku daray in ay tareenka joojiyeen, cabashana ka muujiyeen waxa dhacay.

“Nolosheena halis ayay ku jirtay, sababtoo ah shil ayaa dhici karay maadaama waddo qaldan aan ku soconay” ayuu intaas ku daray.

Balse shirkadda tareenka ayaa sheegtay in nafta beeralayda aysan marnaba halis ku jirin, waxayna intaas ku dartay in tareenka uu maray waddadii markaas u haboonayd, taasna aysan dhib ku sugnayn.

Balse ma ahan markii koowaad oo tareen hindiya uu maro waddo aanan loogu talogalin.

Todobaadkii hore tareen cilad ku dhacday ayaa bareegga goostay, wuxuuna iska ordayay masaafo dhan 13 km si iskiis ah ka hor intii uusan qaboobin. Wadihii tareenka ayaa ku ceydhsanayay mooto si uu u gaadho.

Wax shil ah ma uusan dhicin kadib markii saraakiisha tareenada ay wargaliyeen tareenadii kale ee wadadaas ku soo aaddanaa.

Sanadkii 2011-kii dad gaadhaya 1,000 oo u socday in ay ku soo cibaadeystaan magaalada Varanasi ayaa ka warheley iyaga oo ku sugan boosteejo tareen oo 260km u jirta halkii ay ku socdeen.

Shirkadda tareenada ayaa saxday qaladkii dhacay, dadkiina geysay halkii ay u socdeen. Ma uusan dhicin wax shil ah.

 

Leave a Reply