D/Hoose Hargeysa oo Sharraxday Hawlgal Cashuur Ururin ah

0
405

Hargeysa (Dawan)-Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa,  Cali Xasan Cawaale iyo agaasimaha Waaxda Arrimaha bulshada,  Khadar Yuusuf Cali,  ayaa bulshaweynta reer Somaliland ugu baaqay inay soo bixiyaan cashuuraha ku waajibay eek ala duwan.

Sidoo kale waxaa ay taxeen cashuuraha ay ururinayaan noocyada ay kala yihiin iyo ciddii fulin weyda talaabada ay ka qaadi doonaan, waxaanay sidan ka sheegeen shirjaraa’id oo ay si wadajir ah  ugu qabteen xarunta dawladda Hoose ee Hargeysa.

“Bulshaweynta ku dhaqan magaalada Hargeysa, waxaannu ka codsaneynaa inay guud ahaanba cashuuraha lagu leeyahay noocay doonaanba ha noqdaane, ee D/Hoose qaado  inay iska bixiyaan, waayo dal waxaa uu ku soconayaa amase adeega ay doonayaan dadka loogu qabanayaa waa cashuurta sida ay u bixiyaan, waxaannu ka codsaneynaa cashuurahaasi lagu leeyahay inay iska sii bixiyaan ganacsato iyo dadweynaba,”ayuu yidhi Xoghayaha D/Hoose Mr. Cali Xasan Cawaale.

 

Waxa kaloo Xoghayuhu uu balanqaaday inay  ganaax culus ka qaadi doonaan ciddii lagu qabto  badeecad dhacday oo ay iibinayaan, waxaannu yidhi; “Cashuuraha aanu imika ururinayno waxaa ka mid ah  ganaaxyadii, dhammaan wixii alaabooyinna nooc kasta oo ay yihiinba ee dhacay cidii lagu qabto ganaaxi hore looga qaadi jiray ayaa la saari doonaa.”

 

Xoghaye Cali Xasan waxa uu xusay inay cashuuri doonaan gaadiidka dadweynaha gaar ahaan tagaasida loo yaqaanno “Raaxada” oo in badan oo ka mid ah lagu leeyahay cashuurihii ku waajibay, waxaannu yidhi;  “Waxa aanu faraynaa inay cashuuraha bixiyaan tagaasida Raaxada ee aan bixin cashuurtii D/Hoose. Sidaas oo kale waxa la cashuuri doonaa baabuurta cusub ee imika soo gashay suuqa ee aan lahayn calaamada dawladda hoose caasimadda.”

 

Agaasimaha waaxda Arrimaha bulshada, Khadar Yuusuf Cali,  ayaa sheegay hawlgal ay ku baadhayaan badeecadaha dhacay ee yaalla suuqyada magaalada, ciddii lagu qabtana la ganaaxi doono.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply