Golaha Wakiillada oo Kalfadhigoodan 35-aad ku Naaqishaya 18 Xeer

0
382

Hargaysa (Dawan)-  Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  shalay  ansixiyay  ajandaha kal-fadhigooda 35-aad ee golaha oo  furmay  toddobaadkan, kaasoo   ka kooban  18 xeerar  oo  muhiimad weyn u leh qaranka.

Fadhigaasi   oo ahaa kii saddexaad ee fal-fadhiga 35-aad waxaa shir-gudoominayay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax, waxaana ka soo xaadiray  52 mudane oo ka mid ah 82 xildhibaan ee uu aqalka Wakiiladu ka kooban yahay.

Markii codka ansixinta loo qaaday  ajandaha kal-fadhiga 35-aad  waxa ogolaaday 32 xildhibaan, waxaana diiday 8 mudane, halka 11 xildhibaana ay ka aamuseen, iyadoo guddoomiyuhuna aanu codaynin.

Sidaas ayaanu  kal-fadhiga 35-aad golaha Wakiiladu ansax ku noqday, iyadoo la filayo in xildhibaanadu ay fadhiyadda danbe  guddo geli doonaan doodda iyo soo jeedimaha xeerarka iyo qodobadda ku jira kal-fadhigani.

Ajandaha kal-fadhigan 35-aad  ee golaha Wakiillada oo ay ku jiraan 18 xeer waxa ka mid ah, qabyo-qoral xeerka guud ee degaanka (National Environment Law),  xeerka shirkadaha (Company Law), qabyo-qoraal xeerka sahaminta shiidaalka iyo soo saaristiisa iyo  qabyo-qoraalka  xeerka ilaaladda xeebaha Somaliland. Xeerarkaasi ayaa  dhamaantood waxay marayaan   akhriskii kowaad.

Sidoo kale waxaa ka mida xeerarka ku jira ajandaha kal-fadhiga 35-aad ansixinta masuuliyiinta qaranka, xeerarka golaha Guurtida ka soo noqda  iyo wixii kale ee soo kordha.

Geesta kale Baashe Maxamed Faarax,   ayaa xildhibaanadii fadhiga  joogay iyo kuwa maqanba ku wargeliyay   in ay golaha hor yalaan saddex xeer oo ka soo naqday madaxweynaha, kuwaasoo kala ah xeerka booliska, xeerka xabsiyadda iyo xeerka duulista hawadda.

Xeerarkan oo ay hore golaha Wakiiladu u ansiiyeen, ayaa maadaama oo uu madaxweynuhu ku soo celiyay ay tahay in ay mar kale waajibkooda ka ka gutaan.

Waxa kaloo uu gudoomiyuhu  u sheegay xidlhibaanadda  in xeerarkaasi  dib loogu qaybin doona xildhibaanadda fadhiga  kan xiga.

Dhinaca kale fadhiga  shalay  ee golaha Wakiillada waxaa ku cusbaa saddex xildhibaan oo golaha ku soo biiray, kuwaasoo ka soo galay jagooyinkii ay baneeyeen laba xildhibaan oo geeriyooday iyo kursigii   uu baneeyay C/raxmaan Cirro  guddoomiyaha xisbiga Waddani.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply