Dhallinyaro Bulshada Ugu Baaqay inay Hugga Dhaxanta ku Caawiyaan Agoomaha Hargeysa

0
411

Hargeysa-(Dawan):- Ururka Nolol-Daryeelayaasha ayaa ugu baaqay  bulshada Somaliland inay cawimo ka geystaan gargaar hugga dhaxanta loogu diyaarinayo caruurta ku jirta xarumaha Agoonta dalka iyo kuwa gidaarada u hoyda.

Barnaamijkan oo ay bilowday gabadh magaceeda la yidhaahdo Samsam Saalax, kana qeybqaadanayaan dhallinyaro gudaha dalka iyo dibeda jooga ayaa baaq ay muddooyinkii u dambeeyey ku baahinayeen baraha bulshada waxay ku sheegeen, “Sida aynu ogsoon nahay waxa innagu soo fool-leh wakhtigii dhaxamaha ama Jiilaalka. Haddaba haddaanu nahay Ururka Nolol-Daryeelayaasha waxaan isku xilsaarnay inaan iska ururino wixii dhaqaale aan awoodno, si aanu dharka dhaxanta caruurta ku jirta xarunta Agoomaha Hargeysa.”

Ururka Nolol-Daryeelayaasha ayaa ugu baaqay dhammaan bulshada Somaliland guddo iyo Dibedba inay gacan ka geystaaan gargaarka Ilaahay hortiina ugu sadaqeystaan walaalahooda baahan, waxaanay yidhaahdeen,“Waxaanu dhammaan bulshada ka codsanaynaa inay nagu caawiyaan wixii ay awoodaan, si aanu uga ilaalino caruurteenna halista xilligan dhaxamaha.”

Samzam Saalax ayaa sheegtay in loo baahan yahay hanti gaadhaysa ilaa Laba Kun oo Pound ilaa wakhtiganna heleen 578 Pound oo ay bixiyeen dad gaadhaya 17 qof muddo toban maalmood gudahood.

Bahda Wargeyska Dawan oo kaga qeybqaadanaya awoodooda iyo baahinta baaqan ayaa Bulshada Somaliland guddo iyo dibed ugu baaqayaa inay ka qeybqaataan gargaarka  caruurta aan waalid daryeela lahayn ee xarunta Agoonta Hargeysa, sadaqo maalinta Aakhiro anfaci doonta, Haddii Ilaahay Yidhaahdo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply