‘Ma Ogolaanayno in Buuhoodle Lagu Qabto Shir Lid ku ah Somaliland’ Maayarka Buuhoodle

0
379

Buuhoodle (Dawan): Maayarka magaaladda Buuhoodle Cismaan Yuusuf Maxamed, ayaa wacad ku maray in  aanay marnaba ogolaan Karin in Buuhoodle lagu qabto   shir  lidi ku ah qadiyadda Somaliland siday  dhawaan shaaciyeen xubno madax dhaqameed ah oo Somaliland diidan.

Waxaanu sheegay in gebi ahaanba bulshadda degaankaasi ay  si isku mida uga soo wada hor jeedaan in magaaladoodda lagu qabto shirkaasi, isla markaana aanay ogolaan doonin in guud ahaanba shirkaasi uu ka dhaco meel ka mid ah degaankoodda.

Cisman Yuusuf Maxamed, oo xalay telefoonka ugu waramay DAWAN  waxa kaloo  uu ka hadlay waxyaabaha uu ka filayo  madaxweynaha la doortay Muuse Biixi  in uu ka qaban doonto wadanka, waxaanu ka codsaday in uu si gaarra xog ogaal u noqdo xaaladda dadka reer Buuhoodle.

Isagoo arrinta shirkaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi  “Shirkaasi laguma qaban karro Buuhoodle, kamana ogolaan karno in lagu qabto. Wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay magaaladda ka wadaana ma jirto, dadweynaha reer Buuhoodle-na arrinkaa way ku baraarugsan yihiin, waanay ka soo hor jeedaan, oo waa  la isku wada raacsan yahay. Shir laga ogol yahay Buuhoodle ma aha, shirk a qabsoomi karana ma aha”.

Geesta kale  Maayarka  Buuhoodle,  waxa uu ka hadlay waxay ka filanayaan xukuumadda cusub ee lagu waddo in uu soo dhiso madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi, taasoo uu sheegay in maalmahan ay dadweynaha reer Buuhoodle si weyn u hadal hayeen.

Waxaanu sheegay in uu filayo in xukuumadda Muuse Biixi ay ka wanaagsanaan doonto dhamaanba xukuumadihii kala danbeeyay ee dalka soo maray. “Dadweynaha reer Buuhoodle waxyaabaha ay aadka maalmahan u hadal hayaan, waa xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi. Wanagaan ayaanan  ka filayaa xukuumadda uu madaxweynaha la doortay soo dhisi doonno.

Waxaan filayaa in ay ka wanaagsanaan doonto dhamaanba xukuumadihii kala danbeeyay ee ina soo maray. Muuse Biixi-na, waa nin muddo badan siyaasadda ku soo dhex jiray, xaaladda dalka-na waayo arag u ah, waxaanan ka rejaynayaa in uu midayn doono Somaliland”ayuu yidhi maayarka Buuhoodle Cismaan Maxamed .

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaan ka codsanayaa madaxweynaha la doortay  in uu xog ogaal u noqdo dadka reer Buuhoodle oo lagu sheego in ay yihiin Somaliland diid, in uu ogaado in ay iyagu yihiin Somaliland diid iyo in loo diiday”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply