Maayarka Berbera oo ka Jawaabay Eedo Musuq oo loo Jeediyay

0
405

Berbera (Dawan): Maayarka magaaladda Berbera C/shakuur Maxamuud Cidin, ayaa  ka jawaabay  eedaymo loo jeediyay oo la xidhiidhay  musuq maasuq iyo in uu sifo sharci darro ah ku iibsaday dhul dan guud ah oo ku yaalla magaaladda Berbera.

Wararka uu maayarka Berbera beeniyay ayaa la xidhiidhay  cabasho ka soo yeedhay qaar ka mid ah dadweynaha magaaladaasi oo sheegay in dhulkoodii laga qaaday oo   dawladda hoose ay shaqsiyaad ganacsato ah siisay iyo in dawladda hoose ee Berbera iyo xukuumadda dhexe  ay boob ku hayaan    dhulkii  danta  guud.

C/shakuur Maxamuud Cidin, oo shalay  shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa beeniyay gebi ahaanba arrimaha lagu eedeeyay, meelahaasi oo shan goobood oo kala ah duwan isagoo mid mid u sharaxay goob kasta iyo sifaha lagu bixiyay in uu yahay mid sharciya.

Maayar Cidin, oo ka hadlayay  oo faahfaahin ka bixinayay waxay yihiin meelaha ay ku kala yaalaan dhulkaasi, waxa uu yidhi   “Meesha kowaad waa Hangaradii raashinka kaydka ah ay berigii hore isticmaali  jirtay hay’adda UNHCR, oo aynu dalka ugu soo galnay iyagoo burbursan, dhulka ay ku yaalaan hangaradaasi waxaa bixiyay madaxweynihii Somaliland ee geeriyooday Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxaanu siiyay ganacsadihii Ibraahim Dheere.

Meesha labaad ee ay warbaahintu soo duubeen ee ay lahaayeen waa dhulka la boobay, waxay tahay meeshii loo yaqaanay xeradda Carbiska. Halkaasi oo muwaadinkii lahaa loogu beddelay meesha ay ka dhisan tahay xarunta madaxtooyada magaaladda Laascaanood, iyadoo sifo sharciya iyo digreeto madaxweyne loo maray”.

Waxaanu intaas ku daray, “Goobta saddexaad ee ay weriyeyaashu baahiyeen, ee ay dadkii lahaa sheegeen in laga dhacay   waa dhul qorshaysan oo dawladda hoose ee Berbera bixiso,  dadkii mulkiileyaasha ka ahaa ayaana haysta. Iyaga  ayaana iska leh, haddii ay leeyihiin waa lanaga qaaday kuwa la jaarka ah haku yidhaahdaan waad nagu soo durugteen.

Laakiin, sida uu qof waliba muwaadinka ugu yahay ee dhulkiisa u leeyahay,  ee ay magacyadoodu diiwaanka dawladda hoose ugu qoran yihiin, cidina kama qaadi karto,   dawladda hoose ayaana cashuurta ka qaadata, waanay u fasaxday in ay seestaan, ama ay dhistaan” ayuu yidhi maayarka Berber.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha degaanka ahna maayarka Berbera, waxa uu sharaxaad ka bixiyay goobaha kale ee  la sheegay in sifo sharci darro ah loo bixiyay. Waxaanu yidhi  “Meesha afraad-na waxa weeye, meesha loo yaqaano Raasiga ee u dhaw halkii ay ku ooli jireen war-laliyeyaashii  BBC, meeshaasi oo ciid lagu buuxinayo.

Dhulkaasi sifo sharciya ayuu kaga baxay dawladda dhexe, niman muwaadiniin ah ayaana leh sharci ayaanay u haystaan, cidii dacwad ka qabtaana maxkamadaha dacwad haka furato”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply