Madaxweynihii Hore oo ku Dhaatay inuu Halgan u Galay Hirgelinta Dimuqraadiyadda Somaliland

0
407

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland,Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa caddeeyay inuu yahay madaxweynihii  halganka u galay  dimuqraadiyadda dalka, oo uu qabtay afar doorasho oo adag.

 

Madaxweyne Daahir Rayaale, waxa uu sidaas ku sheegay  shalay oo uu ka soo degay madaarka Hargeysa, oo xukuumadda Somaliland ku casuuntay xaflada 13ka Bishan uu madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka ugu wareejinayo madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi.

 

 

“Waxaan u imid inaan ka qaybgalo munaasibada ay xilka kula kala wareegayaan madaxweynihii i beddelay iyo kii ka danbeeyay, taasi oo laygu martiqaaday. afar doorasho ayaa dalka ka  dhacay intii aan xilka hayay, doorashooyinkaasi  oo mid kali ahi aanay  jilicsaneyn, doorashana ninkii bilaabay aniguu ahaa. imaantinkayguna waxaa uu ka mid yahay dimuquraadiyada, Maxamed Kaahin  halgankii ayay sheeganayaan, aniguna  dimuquraadiyadda Somaliland ayaan sheeganayaa,”ayuu yidhi Madaxweynihii saddexaad ee Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin oo  madaarka Hargeysa ka soo degay isago iyo ooridiisa Marwo Hudda Barkhad Aadan.

 

 

 

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa  hadal uu ka jeediyay soo dhaweyntii madaxweynihii hore, waxa uu ku tilmaamay

inuu ahaa madaxweynihii taabo-galiyay nidaamka dimuquraadiyada iyo doorashooyinkii xorta ah ee waddanka ka qabsoomay waxaannu yidhi;  “Waxa farxad weyn noo ah in masuuliyiintaydan kala duwani qolka nasashada madaarka  caalamiga ah ee Cigaal International Airport aannu ku soo dhawayno Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo marwadiisa Hudda Barkhad Aadan.”

 

Waxa kaloo uu intaas raaciyay; “Madaxweyne Daahir Rayaale waxaannu ku soo marti-qaadnay xaflada caleemo saarka iyo xil-wareejinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, inuu nagala soo qaybgalo, waayo waa Madaxweynihii ku suntanaa geedi-socodka dimuquraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah.”

 

“Waxay muujinaysaa sawir qarankan sumcad ugu suntan oo ah laba Madaxweyne oo xilkii ka degay iyo kii saddexaad oo la wareegaya oo madashaa fadhiyi doona, muuqaal weyn ayey qarankan ka muujinaysaa oo dunida kale maanta nasiibkaa aanay haysan, wixii hadal ah ee uu odhan doono, waxa madaxda kale odhan doonto iyo munaasibadaa muuqaalkeeda maalintaas ayeynu ka war sugaynaa,”ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

 

Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha wakiilada Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle oo isaguna goobtaasi ka hadlay ayaa xusay in qaranka Somaliland ay wax lagu faano u tahay in mudo todoba sano gudahood ah ay saddex madaxweyne is badelaan, waxaanu yidhi “Waxaa dhammaanteen sharaf iyo taariikhba inoo ah Somaliland oo dhan in muddo todoba sanno ah saddex madaxweyne xilka la kala wareegaan, waa wax aynu Afrika dheereyn, kuna faanayno, waana waxaa dunidu inoogu bixisay mucjisadii Afrika ka soo baxeysay.”

 

 

 

Wax kaloo soo dhaweynta madaxweynihii hore ka qaybgalay  Wasiirka Hawlaha Guud Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), Wasiirka Duulista,  Farxaan Aaden Haybe, Ambassador Xuseem Cali Ducaale (Cawil,  Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda,  Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Cali Maxamed Warancade  iyo Axmed Muumin Seed oo ka mid ah saraakiisha xisbiga Kulmiye.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply