Somaliland: Siilaanyo oo Noqday Madaxweynihii u Horreeyay ee ka Guuray Madaxtooyada Isagoo aan Xilkii Wareejin

0
382

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee xilka ka degaya, Md. Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa noqday madaxweynihii u horreeyay ee Somaliland ee xarunta madaxtooyada ka guura ka hor inta aanu xilka wareejin.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu degay  gurigiisa magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu siddeeda maalmood ee soo socda uu ka soo shaqo tagi doono.

Rayul-caamka bulshada ayaa soo dhaweeyay talaabada madaxweyne Siilaanyo uu ugu guuray gurigiisa, oo ay ku macneeyeen inay    muujinayso bisayl siyaasadeed iyo inaanu ahayn xukun ku dheg.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu 13ka Bishan si rasmi ah  xilka ugu wareejinayaa madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi ee ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee waddanka ka qabsoontay 13kii November.

Axmed Siilaanyo oo ah madaxweynihii afraad ee Somaliland yeelatay rubucqarnigii la soo dhaafay oo ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya, ayaa sidoo kale noqonayamadaxweynihii labaad ee si dimuqraadiyad ah ummaddu ugu soo dooratay doorasho toos ah (hal qof iyo hal cod).

Madaxweynaha xilka ka degayaa,  waxa uu taariikhda ku galay inuu yahay madaxweynihii u horreeyay ee afrika muddo xileedkiisii labaad si ikhtiyaari ah uga tanaasulay, si uu saaxada hoggaaminta ugu baneeyo siyaasiyiintii uu ku  soo tacliimiyay siyaasadda iyo halgankii dib-u-xoraynta dalka.

Toddobadii sannadood ee uu xilka madaxtinimada hayay, waxa uu dedaal u galay sidii Somaliland maalgashi ugu heli lahayd dalka, waxaannu jabiyay darbigii adkaa ee Somaliland ka hortagnaa iskaashi la yeelato dunidda carabta, waxaanu heshiis lagu casriyaynayo marsada Berbera oo ay ku baxayso adduun gaadhaya 442 Milyan oo doolar la saxeexday Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka carabta. Waxa kaloo uu heshiis saldhig millatari ay Bebera kaga furanayaan la galay dawladda Imaaraadka carabta. Waxaanay labadaas heshiis Somaliland u soo jiideen indhaha beesha caalamka, waxaanay u muuqatay dal la aamini karo oo maalgashi weyn lagula soo dhiiran karo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply