“Dadweynaha Waxaanu ka Codsanaynaa Inay Cashuuraha Bixiyaan”

0
409

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee degmadda Maxamjuud Haybe,  Mr.Axmed Maxamed Faarax ayaa bulshada ku dhaqan  xaafadaha degmadaas  ugu baaqay inay iska soo bixiyaan cashuurta lagu leeyahay  ee ku waajibay inta aan la ganaaxin.

Guddoomiye ku-xigeenka degmaddu waxa kaloo uu sheegay in cashuuraha dadweynuhu bixiyaan ay tahay waxa lagu fuliyo mashaariicda horumarineed ee D/Hoose ka hirgelisay caasimadda, gaar ahaan horumarinta jidadka magaalada.

“Sida aynu la wada soconno beryahanba waxaynu ku jiray olole cashuur ururineed, laga bilaabo 1-dii  bishan December,  iyada oo aanu si xidhiidh ah kala hadalnay dadweynaha makarafoonka wacyigalinta ee gaadhiga degmada Maxamuud Haybe, oo aanu xaafad-xaafad u marnay, iyada oo aanu ku jiro gabagabadii sannadka 2017-ka taasi oo cashuuro badani baaqi ku yihiin xaafadaha ay ka kooban tahay degmadani.Hadaba waxaannu ku wargalineynaa inay soo bixiyaan cashuuraha dhulka banaan, dhulka dhisan, guryaha dayrarka iyo wixii la hal maala,”ayuu yidhi  Garyaqaan Axmed Maxamed Faarax oo BulshoTV ugu warramay xafiiskiisa magaalada Hargeysa.

Axmed oo sharraxayay sida cashuur-bixinta iyo horumarku iskugu xidhan yahay, wuxuu yidhi;  “Horumarkii caasimada gacanta lagu wada hayo oo Dawladda Hoose ay wax weyn ka qabatay jidadka magaalada.haddii aan dadweynuhu si wanaagsan u hurin cashuuraha kala duwan inooma hirgelayso horumarkii aynu u baahnayn. Sidaas awgeed, waxaannu  si karaamo iyo sharaf leh dadweynaha ku nool xaafadaha kala duwan ee degmada Maxamuud Haybe uga codsanaynaa inay iska soo bixiyaan cashuuraha, inta aanu ku dhicin ganaax.”

“Caalamka waxaa lagu kala socdaa ee adeega dawlaaddda iyo horumararkaba  lagu wadaa waa cashuuraha, markaa annagoo oo u mahadcelinaya intii  bixisay, inta dhimanna guri kasta iyo goob kasta ugu tagi doona waxaannu leenahay cashuurta soo bixiya.

waxaannu ciddii soo bixin weyda ee sannadkan ay ku dhaafto aanu ka qaadi doonaa ganaax iyo talaabo sharciga waafaqsan. haddaba si aan taasi u iman muwaadin iska soo bixi cashuurta kugu waajibtay, ”Ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee degmada Maxamuud Haybe ee caasimadda Hargeysa, Garyaqaan Axmed Maxamed Faarax.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply