Ruushka oo Soo Saaray Taxi Noociisu Cusub Yahay o Duulaaya

0
475

Shirkadda Napoleonn Aero ee waddanka Ruushka ayaa soo saartay gaadhi tagsi ah oo duulaya, kaas oo ay ku sheegtay inay ugu talo-gashay inuu dalkaas ka shaqeeyo, hawl fududayna ku sameeyo hawlaha isu gudbinta alaabooyinka iyo dadka.

Madaxa mashruucan oo lagu magacaabo  Michael Norganov  oo ka hadlayey gaadhigan duulaya, una waramaayey shabakada Rusia Today oo uu Wargeyska Dawan kasoo xigtay qormadan,  ayaa sheegay in gaadhigan la yidhaahdo  VTOL, kaas oo uu sheegay in uu leeyahay ilaa afar kursi, waxaannu intaas ku daray in uu gaadhayo meelo fog fog, gaar ahaanna dhulka miyiga ah iyo magaalooyinkaba, una qaadi karayo dadka iyo alaabooyinkaba.

Gaadhigan oo hadda qaybihiisii ugu horreeyey la dhammeeyey samays ahaan, waxaa  la filayaa inuu si toos ah suuqyada u soo galo saddex sanno kadib, iyada oo loo samaynaayo laba mishiin oo kala ah mid ka caawinaya inuu gaadhigaasi kaco oo duullo iyo mid ka caawinaya inuu hawada dul maro ama cirka socdo .

Gaadhigan ayay khubarrada samayntiisa gacanta ku haysaa doonayaan inuu yareeyo wasakhowga hawada , cidhiidhiga waddooyinka iyo sidoo kalena qaylada badan ee gawaadhida, kaas oo ka dhigaya gaadhigaasi mid ku habboon isticmaalka magaalooyinka iyo sidoo kalena ciidammada oo iyagana uu u fiican yahay.

Baabuurkan ayaa ka jabnaan doona gawaadhida caadiga ah, sidoo kalena waxa uu ka jabnaan doonaa diyaaradaha ay dadku isticmaalaan,  waxaanu qaadi karayaa culays dhan 1.5 tan.Sidoo kale waxa uu awoodaa  inuu qaado ilaa 400 kg oo culays ah, isaga oo socon karaya ilaa 100 km.

Leave a Reply