Shir Lagu Lafo-gurayay Xeerarka Dhaqaalaha oo Hargeysa Lagu soo Gabogabeeyey

0
409

Hargeysa-(Dawan)- Agaasimaha Guud ee Baanka Somaliland Mr. Cabdillahi Xasan Aadan ayaa shaaciyay   in Xeerka Baanka Dhexe hogmgaamiyo dhammaan xeerarka lagu maamulo, isla markaana ujeeddada ay u curinayaan xeerarku tahay sidii qaranku ugu guulaysan lahaa ujeeddada loo sameeyey.

Agaasime Cabdillahi oo shalay soo gabogabeeyay kulan hawleed muddo saddex maalmood ah oo Baanka Dhexe soo abaabulay, kana soo qeybgaleen dhinacyada ay khusayso ee hay’adaha xukuumadda, sida wasaaraddda Qorsheynta Qaranka, Wasaarada Ganacsiga, Xubno ka tirsan Golaha WakiilLada, khubarro ka socday Baanka Adduunka.

Caasha Cabdillahi Cabdallah (Legal expert), &  Robert Nyamu (Financial services expert) oo ka waramay Shuruucda ay tahay in loo maro qaabka ka dhanka ah adeegsiga Lacagaha la foojariga ah “Anti money Landry”

Doodo dhaadheer iyo Falanqayn  salka ku hayey aqoonta la xidhiidha dhinaca Sharciyada ka soo Horjeeda Foojariyeynta Lacagaha “Anti Money Laundry Law”.

Cabdiraxmaan Obsiiye Oo ku hadlayey Magaca Adeegga Lacagaha Mobile-ka lagu qaato Ee E Dahab-ka Waxaanu mahad Ballaadhan u celiyey Baanka Dhexe iyo Wasaarada Qorshaynta, Mr Obsiiye Waxa Uu Sheegay Inay Shirkadaha Xawaaladaha Ee Dahabshiil iyo Qaarkalaba dhibaato Wayni ka haysato Waddamada Dibadaha Ee ay ka dhex shaqeeyaan arrimo la xidhiidha dhinaca Shuruucda Waddamadaasi u yaaalla Awgeed balse waxa uu Rajo fiican ka Muujiyey Haddii la hirgeliyo Sharcigan Cusub Ee 3 da cisho Loo fadhiyey haddii Baanka dhexe sidaa ku Hirgeliyo isagoo Arrimahaa ka hadlayeyna Waxaa hadalladiisii Kamid ahaa “Haddii aynu nahay Shirkadaha Ama Hay’adaha Maaliyadda ka shaqeeya waxaad maanta waxaa ina haysta Pressure “culays” wayn oo inaga haysta dhamaan Waddamada Dibadaha Ee Aynu ka dhexshaqayno”

Waxaa isna halkaa ka hadlay Cabdi-xakiin Oo ku hadlayey Magaca Shirkadda Dahabshiil Group Waxaanu tilmaamay inay Ka Dahabshiil ahaan soo dhaweynayaan Sharcigan Cusub Ee Baanka Dhexe diyaarinayo  waxaanu yidhi “Kulan Howleedkan oo ay ujeedadiisu ahay in lagu tayeeyey Shuruucda Baanka iyo Hay’adaha Maaliyadeed runtii Waxa uu ahaa mid horey u jiray ama wax ka bedal lagu samaynayey  ama hadda lasamaynayo inuu Hogaankeeda iyo Soo jeedinteedaba lahaa Baanka Dhexe aad baanu ugu mahad celinaynaa” ayuu  yidhi

Siciid  Maxamed Jaamac Oo ku hadlayey Magaca barnaamijkan Score Project Oo qaybka ah  Mashaariicda Baanka Aduunka Ee Somaliland ay kaga Caawinayaan hormarinta Baanka iyo Shuruucdiisa, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaybaha kaladuwan Ee Mashuuracni kaasoo ay soo mariyaan Wasaaradda Qorshaynta “waxaa la rabaa oo muhiim ah inad fikirkiina ka dhiibataan waayo waxaajira dad khubaro ah oo hadda inala jooga iyo kuwo kale oo jecel inay inagala soo qaybgalaan” ayuu yidhi Siciid Maxamed Jaamac.

Siciid Waxa kale oo uu sheegay inuu Mashruucani faa’iido badan xambaarsan yahay isla markaana ay Baanka dhexe kala shaqeeyaan qaybtiisa la yidhaado Supervision-ka “kormeerka” “Mashruucani waxa uu leeyahay Faa’iido badan waxaanan si gaara ula shaqaynaa Baanka dhexe qaybtiisa Supervision-ka” ayuu yidhi Mr Siciid Maxamed Jaamac.

Waxaa isna halkaa ka hadlay  Mr Robert Nyamu Oo kamida saraakiisha Shirkadda Barnaamijkan fulinaysa ee Ersnt Youg Waxaanu soo dhaweeyey Shaqadan wanaagsan ee la qabtay 3 dii cisho ee uu socday Kulan hawleedkaasi “Marka hore waxaan jeclahay inaan u mahad celiyo qofkasta oo halkan jooga waayo waxaan ogahay inay qaarbadan oo idinka mid ahi halkan soo fadhiyeen 3 dii maalood ee la soo dhaafay” ayuu yidhi Mr Robert.

 

Dhanka kalana waxa uu Xusay Mr Robert muhiimadda Uu kulankani u lahaa Hormarinta Baanka Dhexe Ee Somaliland iyo Hay’adaha kale ee Maaliyadeed-ba.waxaa isna halkaa ka hadlay Gudoomiyah Ururka Xawaaladaha Mr Muuse waxaanu Sheegay inay diyaar u yihiin inay u hogaansamayaan shuruucda Uu Baanku soo saaro Oo ay kuwani ugu horeeyaan.

Mr Muuse waxa uu maamulka Baanka u sheegay inaysan Xawaaladaha iyo Baananka madaxa banana saarin culays badan “Baanka dhexana waxaan leeyahay hays odhanina maydaan aad u shaqayn-jirn markiihore Ee hadda Cunaha Iskaga duuba hay’adaha Madaxa banaan”

Gabagabadii Kulan-hawleedka Shirkaasi Waxa soo xidhay Agaasimaha Guud Ee Baanka Dhexe Cabdullaahi Xasan Aadan waxaanu mahad ballaadhan  u soo  jeediyey Hay’adaha Madaxa bannanaa ee ay ku martiqaadeen Kulan-hawleedkaasi isagoo faah-faahisay xeerarkii kulankaasi u fadhiyey maalmihii la soo dhaafay isagoo arrimahaa sharraxaad ka bixinayeyna waxa uu yidhi “Falanqaynta xeerarka kaabista iyo wax kabadalka ee ay kamidka yihiin xeerkan Xawaaladaha,Xeerka Baananka Islaamiga ah,Xeer iyo xeerarkii qabyo qoraalka ahaa  sida Xeerka Xawaaladaha,Xeerka ka hortagga maydhitaanka lacagaha “Anti Money Laoundry iyo xeerka Mobile Money Act oo aynu go’ansanay markuu mashruucani soo baxay inaan iyagana wax ka taa taabano oo aan isla eegno kaasoo ay ahayd  markii ugu horeysay ee isagana la curiyo” ayuu yidhi Agaasime Cabdullaahi Xasan Aadan.

“Xukuumada xilligan iyo kuwii hore waxa dhici jirtay in xeer la sameeyo, inta meel laga soo guuriyo baarlamaanka la geeyo, xeerkaasi uu soo baxo, balse aanu noqon mid qanciya meeshii loogu tallo galay, ujeedada aanu ka leenahay in daneeyeyaashu ka soo qeybgalaan maaha in sidday doonayaan loo qoro xeerarka, laakiin waa si qaranku ugu guulaysto ujeedada xeerka laga leeyahay,” ayuu yidhi Agaasime Cabdillahi.

Agaasime Cabdullaahi Xasan Waxaa kale Oo Uu mahadceliyey Saarkiisha Baanka Baanka dhexe Gaar ahaan Cabduraxmaan Muuse iyo Kooxdiisa Supervision-ka oo si weyn uga soo shaqeeyey Inuu hirgalo Kulwan Howleedkaasi “Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Cabdurraxmaan Muuse Iyo Kooxdii kala soo shaqaysay Barnaamijkani Oo aan marnaba ka fadhiisan ilaa uu halkaa ka soo gaadhay maanta” ayuu yidhi.

 

 

Ujeedo Baafin Dacweysane

Maxkamadda degmada Hargeysa waxay baafinaysaa dacweysanaha magaciisu yahay Khaalid Deeq Axmed, in uu maxkamadda horteeda ku yimaado mudo dhan 20 cisho gudahood kana bilaabmeysa maalinta dacweysanahaa laga baafiyo idaacada Radio Hargeysa iyo jaraa’idka madaxa bannaan.

Haddaba, dacweysanaha waxaa lagu amrayaa inuu maxkamadda horteeda ku yimaado muddada loo qabtay dhawrana wakhtiga isaga oo ay maxkamadda u taalo dacwad madani ah oo uu dacweysane ka yahay.

  1. FG. Waxaad timaada maxkamadda degmada Hargeysa gaar ahaan Garsoore Sulaymaan.

ALLAA MAHAD LEH.

Sulaymaan Jaamac Xandule.

Garsooraha Maxkamadda degmada Hargeysa

Kaaliye: Cabdicasiis Cali Xirsi 

Leave a Reply