Sidee Ayuu u Sheqeeya Jidhkaagu?

0
450

Mucjisooyinka jidhka Aadamiga waxa ka mid ah Hindhisada. Aqoonyahanada cilmiga noolaha ayaa ku qiyaasay in ay xawaaraha 40 Mayl/Sacadii,  waxaana ay la mid tahay xawaaraha uu jiro shabeelku.

Wadanaha Qofka ayaa isagana celcelis ahaan inta uu nool yahay lagu qiyaasay inuu tuura oo xoog ku dhaqaajiaa 1.5 Milyan oo footso oo dhiig ah. Haddii la daadiyo dhiiggaas waxa uu gaadhayaa dhul balaciisu dhan yahay 9 m2 ,

Sidoo kale Maskaxda Aadamigu waa xubinta jidhka ugu shaqada culus waana qaybta ugu duxda badan, iyadoo maskaxdu ay ka kooban tahay 60% dux “Fat”. Maskaxdu waxay dhalisaa dab dhan 20 watt wakhti kasta, waana mid iftimin kara nalka qolkaaga.   Sida dhakhaatiirtu cadeeyeen Maskaxdu ma leh dareemayaasha xanuunka qofka dareensiiya, taasina waa tan keentay inay dhakhaatiirtu qalaan maskaxda iyadoo aan qofka la suuxin. Qaabka ay macluumaadka u kaydiso, xawaaraha xusuusta, mugga qaadkeeda (Capacity, Memery speed) dhamaantood waxba lagama yaqaano marka laga reebo mala awaalka aan xaqiiq sugan lahayn.

 

Leave a Reply