Trump oo u Aqoonsadey Qudus Caasimada Israa’iil iyo Jawaabaha laga Bixiyay

0
442

Madaxweyne Donald  Trump ayaa ku dhawaaqay inuu Mareykanku haatan u aqoonsadey Qudus caasimada Israa’iil, islamarkaana uu bilaabayo sidii looga rari lahaa safaaradiisa Telefiif, isaga oo ka tallaabsaday siyaasad tobanaan sano Maraykaku ku soo jirey.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Maraykanku uu haddana sii taageeri dooono xalka laba dowladood, haddii ay labada dhinacba sidaa oggolaadaan waa Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta e.

Go’aankan ka hor ayaa si weyn looga digey Trump cawaaqi xumada uu yeeelanayo dhawaaqiisu, balse taasi dhegaha ayuu ka fureystay.

 

Haseyeeshee ururka Falastiiniyiinta PLO ayaa sheegay in baaqa Trump yahay mid burburinaya xalka laba dawladood.

Madaxweynaha maamulka Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa isna sheegay in aanu go’aanka Trump waxba ka beddeleyn xaqiiqada taalla dhulka Qudus.

Waxa kale oouu intaa ku durey in Mareykanku lumiyay doorkii Dhexdhexaadnimada ee wadahadalka nabadeed.

 

 

Turkiga ayaa canbaareeyay baaqa Trump oo uu sheegay inuu yahay mid masuuliyad darro ah.

Sida ay  sheegtay wasaarada arrimaha dibadda Masar ayaa iyana diidey go’aanka ah in loo raro safaarada Mareykanka Qudus.

Ururka Xamaas ayaa ku booriyay dalalka carabta iyo dunida kaleba in ay awood tiraan baaqa Trump, ayna ka tagaan Yuhuuda.

Wasiirka dibadda Qadar ayaa isna sheegay in ay tahay u raridda safaarada mareykan Qudus mid halis ah oo jar iska xoornimo ah, iyo xukun dil ah oo lagu qaaday dadaalkii wadahadal.

Xoghayaha guud ee QM ayaa isagu sheegay in aanu jireyn xal aan aheyn laba dawladood, qorshe kalena iman karin.

 

 

Go’aankan ayaa la filayaa iuu cadho xooggan ka dhaliyo dunida carabta iyo muslimiinta, hase yeeshee Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump uu aqoonsanayo kaliya arrin taariikhi ah oo wadata xaqiiqo hadda ah.

Go’aankan ka hor ayuu Trump khadka taleefonka kula xidhiidhay shan ka mid ah madaxda bariga dhexe, si uu ugu war-geliyo tallaabada uu qaadayo, waxaana ay kala yihiin raggaasi uu wargeliyay; ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Natenyahu, madaxweynaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas, boqorka Jordan Abdullah, madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi iyo boqorka Sacuudiga Salman Bin Abdulaziz.

Bayaan ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Trump uu madaxdaas u sheegay in ka go’an tahay inuu sare u sii qaado wada-hadallada Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta.

Dalalka Carabta ayaa horey uga digay tallaabada Trump. Wasiirka arrimaha dibedda Jordan, Ayman Safadi ayaa sheegay inuu u sheegay xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex Tillerson “cawaaqibka qatarta leh” ee ka dhallan kara haddii Mareykanka uu Jerusalem u aqoonsado caasimadda Israel.

“Go’aan noocaas ah wuxuu kicin doonaa cadho ka dhacda dalalka Carabta, iyo xiisad halis gelisa dadaallada nabadeed” ayuu Safadi ku qoray barta twitter-ka.

Dadka Falastiiniyiinta waxay ugu magacdareen in Qudus ay noqoto caasimadda Israa’iil, “dhunkashada dhimashada” in ay ku noqoneyso hannaanka nabadda ee bariga Dhexe.

Laakiin wasiir Israa’iili ah ayaa dowladaha kale ee caalamka ugu baaqay in ay raacaan waddada Mareykanka.

.

Sidoo kale waxaa Trump sheegay  in safaaradda Mareykanka ee ku taalla Tel Aviv loo raro Qudus, balse waxaa la leeyahay waxay taasi qaadan kartaa sannado.

Arrintan laga filayo dowladda Mareykanka ee ah in Qudus loo aqoonsado in ay tahay caasimadda Israa’iil ayaa dhalisay cadho caalami ah iyo digniino.

Israa’iil waxay soo dhoweysay isbedelka laakiin Falastiiniyiinta iyo hoggaamiyayaasha Carabta ayaa ka digay khatarta arrintan ay u keeni karto hannaanada nabadda ee Bariga Dhexe.

Wakiilka Falastiin ee Britain, Manuel Xassassiyan, wuxuu BBC-da u sheegay in bedelidda siyaasadda dibadda ee Mareykanka ay noqoneyso “dhunkashada dhimashada” oo saameysa xalka loo raadinayo in laba dal oo deris ah ay noqdaan Falastiin iyo Israa’iil.

Sidoo kale wuxuu tallaabadaasi ku tilmaamay in ay la mid noqoneyso “shaacin dagaal”.

“Wuxuu noqonayaa rarkii ugu dambeeyay ee dhabarka ka jebiya ratiga,” ayuu yidhi. “Ulama jeedo dagaal gacan ka hadal ah, balse waa dagaal diblumaasiyadeed.”

Sacuudiga oo saaxiib dhow la ah Mareykanka ayaa tallaabadan cusub ku tilmaamay “daandaansi qayaxan oo ku wajahan Muslimiinta”.

Israa’iil waxay Qudus u aragtaa caasimaddeeda, halka Falastiiniyiinta ay doonayaan in Bariga magaalada Barakeysan ay noqoto caasimaddooda mustqabalka.

Arrinta Qudus waxay xuddun u tahay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin oo taageero ka heleysa dalalka Carabta iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka.

Magaalada waxay meel barakeysan oo diimeed u tahay Muslimiinta, Yahuudda iyo Masiixiyiinta, si gaar ah bariga magaalada Qudus.

Israa’iil ayaa qeybtaasi Bariga ka qabsatay Urdun ka dib dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, waxeyna magaalada oo dhan u aragtaa in ay tahay caasimaddeeda aan la kala goyn karin.

Sida uu dhigayo heshiiskii nabadda ee Israa’iil iyo Falastiin ee 1993, marxaladda magaalada Qudus waxay ahayd in looga doodo kulamadii ka dambeeyay midkii lagu saxiixay heshiiskaasi.

In Qudus ay leedahay Israa’iil weli caalamka muusan aqoonsan, dunida oo dhanna waxay safaaradohooda ku yaallaa Tel Aviv.

Si kastaba ha ahaatee, Xudduudaha gaarka ah waxay sii ahaan doonaan muwduuca heshiiska ugu dambeeya, sida ay saraakiishaasi sheegeen. Waxay intaa ku dareen in xaaladda goobaha barakeysan aysan arrinta saameyn doonin.

Donald Trump wuxuu arrintaas u ballanqaaday cod-bixiyayaasha Yahuudda, xilligii ololaha doorashada uu ku jiray.

Mr Trump ayaa xaqiijiyay in uu xoogga saari doono heshiis nabadeed dhexmara Israa’iil iyo Falastiin, kaas oo uu hogaaminayo wiilka uu sodogga u yahay ee Lataliyaha sare u ah, Jared Kushner.

Leave a Reply