Waddo 60km ah oo Laga Hirgelinayo Togdheer iyo Mashaariic Joogsday oo Dib Loo Bilaabay

0
448

Burco(Dawan):- Gobolka Togdheer ayaa laga hir gelinayaa waddo 60 KM ah oo isku xidhi doonta deegaano badan oo ka tirsan gobolkaas oo loogu talo galay in ay fududayso isu socodka dadka iyo gaadiidka gobolka u kala gooshaya gaar ahaan deegaanada hawdka ee miyiga iyo tuulooyinka.

Waxaa kaloo laga bilaabay gudaha magaalada Burco mashaariic horumarineed oo qaarkood hore u joogsadeen laakiin hadda dib loo bilaabay kuwaasoo uu ka mid yahay dhismaha Cisbitaal ay  magaalada Burco ka  hirgelinayso Hay’adda Al-khaliifa foondhayshin.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan oo ka hadlayay mashaariicda horumarineed ee ka bilaabmay gobolka Togdheer,ayaa sheegay in ay wax weyn ka tarayaan hormarka gobolka guud ahaan iyo isku xidhnaanta deegaanada gobolka ee ay mari doonto wadada 60 KM ah ee laga  hirgelinayo oo ah waddo carro kaawo ah oo isku xidhaysa degmada Burco iyo degmada Waraabeeye.

Guddoomiye Ramaax oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yihdi. “Maanta(shalay) waxaa bilaambay sarfaygii wadada hawdka  oo lixdan KM ah oo isku xidhaysa degmooyinka Burco iyo Waraabeeye serfaygu markii dhamaadona waddada oo bilawgeedii maanta bilaabmay ayaa la hir gelinyaa waxaanay qayb wayn ka qaadanaysaa isku xidhka dadka iyo gaadiidka ee gobolka taasoo sahli doonta in isu socodku fududaado waxaanan u sheegayaa madaxda tuulooyinka ay waddadu mari doonto in ay si fiican ula shaqeeyaan hawl wadeenada sarfayga iyo dhismaha waddada gacanta ku haya.waddadan waxaa laga maalgaliyay sanduuqa horumarinta Somaliland waxaana iska kaashaday SDF Wasaradda Deegaanka iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay waddooyin kale oo gudha magaalada Burco laga bilaabay isla shalayna  uu dhagax dhigay,ayaa dadweynaha magaalada Burco u soo jeediyay in ay waddooyinka ka ilaaliyaan waxyaabaha dhibaatada ku ah ee ay ku cidhiidhyaan. “waxaa qiimo yeelanaya markay waddooyinku dhismaan guryaha iyo meheradaha ay hor marayso waxaana loo baahan yahay shayga gurigaaga qiimaha u yeelaya in aad ilaashato ood dhawrato laakiin in aad adigu qiimo tirto ood cidhiidhido maaha waddooyinka maanta(shalay) dawladda hooe ee Burco ay dhismahooda bilawday waa afar waddo oo laami casri ah waana waxqabadkii dawladda hoose ee degmada iyo ka xukuumaddaba dadweynahana waxaa looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan oo dhankooda ay waajibkooda ka soo baxaan.waxaa kale oo isna dib u bilaabmay oo dhismihiisii la bilaabay cisbitaal  muddo qabyo ahaa oo joogsaday oo ay gacanta ku hayso hay’adda Al-Khaliifa Fondhayshin oo dib u bilawday shismaha Cisbitaal Casri ah oo ay Burco ka wadday oo muddo qabyo ahaa waxaana dhismaha dib u bilawday ,mashaariic kale oo dhawr ahina way ku daba jiraan oo way bilaabmayaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply