Qisas: Dal Kastaa Wuxuu Iska Leeyahay Dhaqano Yaab leh!

0
686

Dalka Shiinaha waa denbi haddii aad dhasho hal ilmo wax ka badan.    Dalka HIndiya waxa lagu xidhiyaa 10 sano oo xadhig ah haddii la ogaado inaad dishay Sac ama Dibi.

Dalka Ruushka waxa mamnuuc ah in gaadhigii aan nadiif ahayn aad ku wadato Mosco dhexdeeda haddii lagu qabtona waxa lagu ganaaxaya $ 100 oo haddii aad bixin weydo xadhiga laguugu bedelayo.

Sanad Kasta marka uu dhamaado gabadhaada waxaad siinaysa meherka sanadka waana qaynuun u degsan dalka Kuuriyada waqooyi, gabadha waxay ka dhigan tahay inaad sanad heshiiska guurku ahaa. Haddii aad bixin weydo waa laga furayaa iyadoo ganaax iyo xadhigana la is kaa darayo.  Dalka Austria waxa iyana mamnuuc ah inaad Ice Cream ku cunto Baananka hortooda.

Dalka Maraykanka gobolka Montana State haddii gabadhu furto Mobilka ninkeeda waa denbi lagu ciqaabayo sharciga gobolkaasi oo maxkamad lagu taagayo xadhiga iyo ganaaxna ay ku mutaysanayso.

Dalka Denmark waxa jira sharci kuu ogolaanaya in huteelada aanad waxa lacag ah ka siin raashinka aad ka cuntay haddii anaad dhergin sidaa awgeed huteeladu waxay sameeyeen qiimo go’an iyo in qofku cuntada inta uu rabo cuni karo, marka uu ka dhergo isagu sii iskiis ah isaga deyn karo.

Dalka Holand waxa jira sharci gabadha u ogolaanaya inay ninkeeda magaca ka bedeli karto, haddii ay gabadhaadu magacaaga necbaysato waxay tegaysa maxkamada oo u ogol inay kuu bixiso magaca ay iyadu jeclaatay kii hore laga bedelo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here