Warbaahinta Caalamka oo Falanqeysay Casharka Dalalka Afrika ka Baran Karaan Sida Nabadgelyada ah ee Somaliland Xukunka Iskugu Wareejiso

0
409

Addis-ababa(Dawan)- Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya, ayaa qoray in madaxweynaha  shanaad  ee Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi oo si dimuqraadi ah loogu   doortay  13-kii November 2017 uu xilkii loogu dhaariyay.

 

Warbaahinta Afrika wararkii ay ka qoreen dhaarinta madaxweynaha cusub, waxa warbixintan ka diyaariyay Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Dawan, Cumar Maxamed Faarax:-

 

Suxufiga Itoobiyaanka ah ee  Dawit Endeshaw, ayaa  ku qoray Wargeyska The Reporter, xafladii caleemo-saarka iyo dhaarinta madaxweynaha cusub ay Somaliland mar kale dalalka Afrika  bartay cashar la xidhiidha in si nabadgelyo ah  xukunka la iskugu wareejiyo.

“Inkastoo aan caalamku weli aqoonsan, Somaliland waxay mar labaad bartay dalalka Afrika cashar ku wajahan sida xukunka la iskugu wareejiyo si nabdoon, waxaanay caleemo-saartay madaxweynaheeda cusub  Md. Muuse Biixi Cabdi, oo si dimuqraadi ah loo doortay,”ayuu lagu yidhi warbixinta wargeyskaas.

 

Waxa kaloo uu intaas ku ladhay; “Madaxweyne Muuse Biixi, waxa si dumuqraadiyad ah loogu doortay madaxweynaha shanaad ee Somaliland,  doorashadii qabsoontay bishii November 2017, waxaannu beddelay madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.”

Wargeysku wuxuu sheegay in xafladii dhaarinta madaxweynaha cusub  ee Somaliland ay ka qaybgaleen  wufuud kala timid dalalka jaarka iyo waddamada reer Yurub. Iyadoo dawladda Itoobiya uu xafladaas ku metalayay Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Axmed Shide.

Wargeyska Itoobiya,  wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha cusub ay horyaalaan  wax ka qabashada dhaqaale xumada, saboolnimada iyo qaddiyadda ictiraaf raadinta.

 

Geesta kalena, Mareegta African News wax falanqaysa arrimaha Afrika, ayaa  faahfaahisay nabadgelyada iyo dimuqraadiyada Madaxweyneyaasha Somaliland xilka iskugu wareejiyeen 13kii Bishan.

 

 

“Madaxweye Muuse Biixi oo ahaan jiray duuliye (Pilot) ayaa ku  guulaystay doorashadii sida adag loogu tartamay ee Somaliland ka qabsoontay 13kii November, waxaannu ku hantay 55% codbixintii laga dhiibtay doorashadaas,”ayay African News ku sheegtay.

 

Shabakaddu waxay tilmaantay   in madaxweyne Muuse Biixi uu xalinayo tabashooyinkii ka dhashay doorashadii madaxtooyada; “Waxaan diyaar u ahay inaan xaliyo oo dejiyo dhammaan ciddii  tabasho  ka qabta khilaafaadkii doorashada ka dhashay,”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayay xafladii caleemo-saarkiisa ee Salaasadii lagu qabtay Hargeysa. Waxaannu intaas ku  ladhay; “Haddii aad qabto tabasho waa inaan timaadaa miiska wadahadalka.”

 

African News waxay farta ku fiiqday  in madaxweyne Muuse Biixi laga sugayo inuu wax ka qabto shaqo la’aanta heerkeedu sareeyo ee ka jirta Somaliland, gaar ahaan dhallinyarada iyo inuu sii wado  halganka ay Somaliland ugu jirto inay ictiraaf ka hesho beesha  caalamka.

 

“Somaliland waxa lagu tilmaamaa inay ka mid  tahay meelaha ugu xasiloon mandaqada Geeska Afrika, Somaliland waxay leedahay ciidammadeeda ammaanka, lacag u gaar ah iyo nidaamkii garsoorka. Waxa kaloo ay muhiim u tahay la-dagaalanka budhcad baddeeda iyo argagixisada Geeska Afrika,”ayaa lagu yidhi maqaalkan.

 

Shabakaddu waxay   ammaantay xornimadii doorashooyinkii ka qabsoontay waddanka; “Somaliland waxay qabatay doorashooyin najaxay oo madaxtinimo sannadihii 2003 iyo 2010. Waxa kaloo ay qabatay doorashadii baarlamaanka sannadkii 2005, doorashadii Somaliland 2017 waxa lagu sifeeyay  inay ahayd doorashadii u horraysay ee xor ah ee sannado badan ka dhacda Geeska Afrika,”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply