Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo Shaacisay Xadiga Lacagta ay ku Wareejinayaan Xukuumadda Cusub

0
383

Hargaysa (Dawan)- Wasiirkii hore ee  Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, Marwo Samsam Cabdi Aadan,   ayaa  caddaysay inaanay wax dayn ah ku wareejinaynin madaxweynaha cusub Md. Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kaloo ay shaacisay inay xukuumadda cusub ku wareejinayaan lacag dhan $10 milyan oo doollar oo kayd ah.

“Waxaan maqlayay maalmahan iyadoo la leeyahay dayn  ayay xukuumadu wareejinaysaa, dayn ma wareejinayno.  Dawladuhu dayn way wareejiyaan, oo annagaba berigii dayn ayaa nalagu wareejiyay,  dayntaana waa la bixiyay oo waxba kama soo hadhin,”ayay tidhi Marwo Samsam  Cabdi Aadan oo  shalay  warbaahinta kula hadashay magaalada Hargaysa.

 

“Marka dayn la wareejiyo, waa marka aan shaqaalaha dawladda mushaharkooda la bixinin. Dawladii hore lacag kaash ah oo ay cid ka qaadatay ma jirin.  Laakiin, afar bilood mushaharkood oo bil walba $12 milyan oo  dollar ah ayaa lagu lahaa, taasoo noqonaysa $48 milyan oo dollar.Imika-na waa 15 milyan oo dollar mushaharka shaqaalaha dawladu, haddii aanaan 4 bilood  mushaharkood bixinin, iyada ayaa noqon lahayd ilaa $60 milyan oo dollar.  Haddii aan shiidaaladda la bixin, haddii aan raashinadda  ciidamadda la bixin, waxyaabahaasi ayaa isku noqon lahaa lacag gaadhaysa ilaa $80 milyan oo dollar ah.

 

Malaha taasi ayay dadweynuhu maskaxda gashadeen, waxaanan u sheegayaa mushaharkii shaqaalaha dawladda ee bishii November  waa la bixiyay, cid wax dayn ah dawladda ku lehna ma jirto,” ayay tidhi Wasiirkii hore ee Maaliyaddu.

 

Waxa kaloo ay intaas ku dartay;  “Waxaanu ku guulaysanay in miisaaniyadda  danbe ee aanu samaynay, ee wasiirka cusub aanu ku wareejinayno, in aanay wasaaradda maaliyadu wax dayn ah wareejinaynin. Dayntii hore-na ay bixisay intii ugu badnayd. Iyadoo weliba lacag dheeraad ah oo loogu tallo galay in ay qorshayso dawladda cusubi, oo dhalinyaradda  shaqo abuur loogu sameeyo. Lacagtaas oo dhan $10  milyan oo dollar  ayaanu ugu tallo galnay  miisaaniyad sanadeedka soo socda  in ay kayd u ahaadaan,  oo shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyaradda.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply