Wasiirkii Hore ee Qorsheynta oo ka Hadlay Dareenkiisa Wasiirrada Cusub

0
365

Hargeysa (Dawan) Wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta qaranka, Maxamed Ibraahin Aadan (Qabo), ayaa madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi ku hambalyeeyay magacaabista golihiisa wasiirrada, waxaannu sheegay in sidii ay hore ula shaqeeyeen,  imikana ay ula shaqeyn doonaan.

 

 

“Ugu Horreyn aad iyo aad baan u soo dhaweynayaa xukuumada cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi soo dhisay, waanan hambalyaynayaa, madaxweyne Muuse Biixi iyo xisbiga Kulmiye ujeeddada aanu ka lahayn may ahayn in aanu xil wasiir ka helno ee waxay ahayd in murrashaxayagu  iyo xisbigayagu guuleeystaan, labadiiba waanu ku guuleysanay, xukuumadda uu soo dhisayna waan soo dhaweynaynaa, waanan kula shaqeynaynaa,”ayuu yidhi wasiirkii hore oo shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa shalay.

 

Waxa kaloo uu ku dooday inuu muddo dheer dhisayay oo uu la safnaa madaxweynaha cusub, waxaannu yidhi; “Madaxweyne Muuse Biixi,  waad ogtihiin ilaa golihii dhexe waan barbar taagnaa, waxa la tartamayay rag badan oo aanu asxaab nahay, dagaalka Waddani waxaa nagaga darnaa kii xisbigayaga dhexdiisa, sida Samaale, Kijaandhe iyo Maxamed Biixi Yoonis, ilaa wakhtigaa ilaa hadda waxaan barbar taagnaa Muuse Biixi iyo kulmiye, ujeeddayduna waxay ahayd waa ninka kaliya ee dalka wadi kara Siilaanyo dabadii.”

 

 

“Illaahay wuu nagu guuleeyay, waxaan is leeyahay wax aad kala hadheen ma jirto, wasiirradii xukuumaddii hore, waanu is garab taagnay naf iyo maalba, kursigiina waanu saarnay murrashaxii xisbigayaga, xukuumadda uu dhisayna waanu soo dhaweynaynaa, waanan la shaqeynaynaa,”ayuu yidhi Mr. Maxamed Aadan Qabo.

 

Sidoo kale wuxuu ka marag kacay in golaha wasiirrada ee uu soo magacaabay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay tiro ahaan ka yar yihiin golahoodi waxaannu yidhi;  “Madaxweynahu isagaa go’aanka leh cidda la shaqeyn karaysa, dawlad kooban ayuu dhisay, 68 wasiir ayaanu ahayn, xukuumaddii hore wuxuu ka qaatay 6 xubnood, laba iyo lixdankii kale wuu ka tagay, markaa go’aanka madaxweynaha wax gaar ah oo wasiirradii hore ka dhexeeyayna ma jirto.”

“Waxaan u mahadnaqayaa madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo, waxaan ka soo bilaabay la taliye madaxweyne, guddoomiye gobol iyo wasiir,”ayuu yidhi wasiirkii hore qorshayntu.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply