‘Berbera Biyo La’aani Kama Jirto, Waase in Maamulka la Saxaa’ Maayarka Berbera oo doonaya inuu Dawladda hoose Berbera la wareegto maamulka biyaha

0
364

Berbera (Dawan)- Maayarka magaalada Berbera,  Cabdishakuur Maxamed Ciddin, ayaa xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland u soo jeediyay in maamulka wakaaladda biyaha Berbera dib loogu soo celiyo golaha degaanka, si ay magaaladu u hesho biyo ku filan.

Maayar Cabdishakuur, waxa uu sidaasi ku sheegay hadal uu ka jeediyay fadhi ay yeesheen golaha degaanka magaalada Berbera oo arrintaasi lagaga doodayey, waxaannu sheegay in aanay biyo la’aani jirin, isla markaana maamulka degmadu uu hanan karo.

 

“Biyuhu waxay ka mid yihiin oo aanu rajaynaynaa, is beddelka maamul ee dalka ka dhacay iyo madaxweynaha cusub ee la doortay, in dawladaha hoose ee hanan kara adeegyadooda asaasiga ah, sida uu sharcigu  dhigayo inay gacantooda ku soo noqon doono maamulka wakaaladdaha biyuhu,” ayuu yidhi Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Ciddin.

Waxa kaloo uu intaas ku daray;  “Waxaan jecelahay in aan fursadan uga faa’iidaysto, waxay degmada Berberi ku filan tahay in ay kordhiso, oo fidiso oo ay hanato adeega biyaha magaalada, iyada oo aanay biyo la’aan hore jirin balse ay sababtay is beddelkii maamul ee lagu sameeyey biyaha ayaa keentay in ay biyo la’aani ka dhacdo Berbera, sida uu  maareeyaha wakaallada biyuhu uu afkiisa kaga dhawaaqay inay biyo la’aani jirto.”

 

“Waxaan leeyahay biyo la’aani ma jirto ee waxa loo baahan yahay in maamulka aynu saxno iyo maamulka biyaha oo degmada dib loogu soo celiyo, maadaama oo ay magaaladu isu diyaarinayso Berbera cusub isla markaana aynu filayno in dad farobadani ku soo kordhaan magaalada,”ayuu yidhi Maayarka Berbera.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply