Fikirkii uu ku Hamiyay Ayuu Dunidda ku Baahiyay!

0
466

Suldan Maxamed Al-Fatax  wuxu ahaa hogaamiyihii dawladii Cusmaaniyiinta ee Turkiga qarinigii 15aad , waxaana dhinaca Yurub ee casrigii fufka looga yaqaana magaca Maxamet II.  Waa suldaankii todobaad ee xukunka Cusmaaniyiinta qabta, waxaana lagu naanays jiray “ Faatax” oo loola jeedo dhulkuu badanaa ee qabsaday.

Suldaan Maxamed waxa uu maalin  isagoo 8 sano jiray maqlay xadiiska Rasuulka (scw) ee ah “ Inuu soo bixi doono Amiir ka mid ah kuwa ugu fadli badan amiirada dunida, oo uu furan doono Qisdandiiniya, isla markaana uu ku soo dari doono dawladda muslinka ah. Furitaankani uu dhici doona Aakhir sebenka ka hor inta aanu soo bixin dajaal Cawar”. Waxa weriyay Axmed Binu Xanbal xadiis No: 18189.

Suldaanku wuxu markasta ku fikiri jiray sidii uu u noqon lahaa hogaamiyaha ciidanka furanaya Qisdandiniya. Sheekhiisa Aaq Shamsudiin aya arinkaasi ka caawiyay. Waxa uu bartay dhamaan culuunta ciidanka difaaca , weerarka iyo qorshaynta xeeladaha dagaalka, waxa kale o o uu si weyn u bartay culuunta diinta islaamka.

Suldaan Maxamed Al-Fatax markii uu 23 sano jiray ayuu noqday hogaamiyaha ciidankii furtay Qisdandiiniya, iyadoo wakhtigaasi lagu soo daray xukunkii dawladii Islaamka ahayd. Qisidandiiniya waxay kow iyo toban  Qarni ahayd dawlad xoog leh waxaana soo gebagebyay suldaanka awoodoodii. Taariikhda yahanad ayaa furashadaasi ka dhigay inay ahayd dhamaadkii casriyadii dhexe iyo bilwogii taariikhada casriga ah.

Muddo 30 sano oo Suldan Maxamed uu xukunka Cusmaayinta hayay wuxu furtay dhul baladhan isagoo Yurub gaadhay magaalada Belgard. Suldan Maxamed fatax wuxu lahaa aqoon saqaafad sare ah waxaana uu ku hadli jiraya luqadda Turkiga marka laga reebo, Faransiis, Giriig, Serbiya, Iran, Carabi iyo Luqadda Yuhuudda.

Hamiga kasta oo kugu soo dhaca waxaad kaga dhabayn kartaa ficil, laakiin ma jiro waxaan aan la gaadhi Karin ama la fulin Karin.

 

Leave a Reply