Qisada: Magaalooyin Iyagoo Camiran laga Guuray!

0
723

Labada magaalo Humbers iyo Lanuria ee ku yaalla saxaaraha dalka Chile  (latin America) ayaa caan ku ahaa dhagax milix iyo in laga qodo macdanta taasi oo aad usoo jiidatay in aad loo dego sanadkii 1872. Hase yeeshe, dhammaan arrimahan ayaa burburay xiisadda dhaqaale xumo ee ku dhufatay Maraykanka 1920-kii oo qaaradaasi ku xidhantahay ayaa nolosha dadkii ku adkeeyay, waxaana cidhiidhi galay dakhligii ay heli jireen.

Magaaloyinka ayaa mar kasta hoos u dhac ku dhacayay ilaa ay dadka degenaa iskaga guureen dhamaantood sanadkii 1960, waxa keliya ee ay halkaasi kaga tegeen ay noqotay guryahoodii iyo alaaboyinkii yaallay. Dadka ayaa diiday inay ku laabtaan magaaloyinkaasi iyo xataa inay dhex maraaan suuqyada cidlada ah ee laga guuray oo ay iska yaallan alaaboyin.

Waxaana taasi sabab u ah iyagoo rumaystay khuraafad sheegayay in suuqyada magaaloyinka ay habeenki dadka dhintay wax ku kala iibsadaan oo ay dhex maraan taasina ay sabab u tahay belaayada ku dhacday. Deegaanadan ayaa dadka marka xabaalaha lagu rido aan la daboolin iyagoo aaminsan inay soo baxaan habeenkii dadka dhintay oo ay suuqyada mushaxan.

Sababta ugu weyn ee dadkani ay ugu soo noqon waayeen magaaloyinka ayaa ah iyadoo ay sheegen inay maqlaan dhawaaqyo cabsi leh oo habeenkii soo baxa, taasi oo ay cabsi weyn ka qaadeen. Waxa kale oo la aaminsan yahay inay ahayd arintani hab lagag rarayay dadkaasi dhulka macdanta hodanka ku ah. Marka caqliga uu khuraafadku ka xoog bato xaqiiqda ma rumaysto.

Leave a Reply