Qiso:Farxadda & Kalsoonida Lacag Laguma Iibsado!

0
520

Laba nin oo jaar ah ayaa midkood ahaa maalqabeen, halka kalena uu ahaa nin sabool ah. Ninkan saboolka ah mar kasta farxad ayuu iskaga jiray habeenkii daaqadaha iyo albaabada ma xidhi jirin.

Ninka qaniga ah oo isagu aan haysan farxadda ninkan haysto ayaa aad ula yaabay faqiirkan aanay farxadiisu is dhimayn iyo werwerka uu isagu jiro.

 

Maalqabeenka ayaa ninka jaarkiisa u yeedhay maalin danbe oo siiyay lacag, kuna yidhi “ waxaan ogahay inaad sabool tahay, jaarna waynu nahay, xaq ayaan isku leenahay ee qaado lacagtan , oo ku dabool baahidada, iyo wixii kale ee aad u baahato”.

 

Aad ayuu u Farxay, maalintii oo dhan Lacagta ayuu ilaalinayay, habeenkii waxa u tegay sariirta si uu u seexdo, laakiin wuu seexan kari waayay, xitaa daaqadaha iyo albaabada ayuu xidhay si uu lacagta u ilaashado. laakiin wali hurdo ma hayso.  Sidii uu habeenkii uu ilaalinayay lacagta ugana fikirayay waxa uu ku qaban doono ayuu waagi u beryay

 

Subaxnimadii  ayuu lacagtii qaaday oo uu tegay hantiilaha jaarkiisa ah waxaana uu ku yidhi ” Saaxiib Qaaliya ayaad tahay,  waxan ahay sabool aad ayaad ii kaalmaysay laakiin saaxiib waan ka xumahay lacagii waxay ii diiday farxadii iyo hurdadii, imikana waatan aan kuu sido ee iska qaado”. Xikmaduna waa in aanay lacag lagu iibsan Karin farxad.

 

Leave a Reply