Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibadda oo Xilka la Wareegay

0
399

Hargeysa (Dawan) Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda   Somaliland, Mr. Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilkii   uu dhawaan u soo magacaabay madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi.

Munaasibaddii xilka lagula kala wareegayay oo lagu qabtay xarunta wasaaraddaasi, waxaana ka soo qaybgalay wasiirka wasaaradda khaarajiga Md. Sacad Cali Shire, wasiir ku-xigeenkii hore ee arrimaha dibadda,  Kaysar Cabdillaahi Maxamed, agaasimaha guud iyo agaasime waaxeedyada wasaaraddaas.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda,  Cabdiraxmaan Abdeeq oo xafladaas ka hadlay, waxaanu yidhi “Insha Allaahu waxaynu halkan xilka ugu kala wareejin doona labada wasiir ku xigeen oo aad u qaaliya, Keysar waa masuul aanu in badan soo wada shaqeynay, firfircoon, horena u ahaa safiir wasaarada ka tirsan, meel kale ayuu shaqadda ka sii bilaabi doona  haddii Alle yidhaahdo, wasiirku xigeenka cusub Liibaan isagana taariikh badan ayaan u hayaa oo in badan ayaanu soo wada ciyaarnay, meelna aanu ku soo wada kornay, sida uu u dheer yahayna uma weyna, waana wiil yar, waanu soo dhaweyneynaa.”

Wasiir ku-xigeenkii hore ee wasaaradaas Md. Kaysar Cabdilaahi Maaxamed, ayaa sheegay in qaranka Somaliland uu doortay madaxweyne wax weyn ka beddeli doona maamulka dawladnimo ee dalka,waxaannu yidhi;  “Masuuliyiintii aanu xukuumadda ku wada jirnay waxaanu leenahay waar dalka haloo shaqeeyo, yaan la odhanin bes weeye, Somaliland waxa ay heshay madaxweyne wax weyn ka beddeli doona  maamulkii dawladeed ee waddankeenna ka jiray.”

 

Wasiirku xigeenka cusub Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa ka hadlay khibradiisa waayo aragnimo ee uu shaqada u leeyahay waxaannu yidhi “Waxaan doonayaa inaan idiin sheego in aanan ahayn nin leyliya, oo shaqada ku cusub, shaqada meel hoose ayaan ka bilaabay, waxaanan ka mid ahaa shaqaalihii dabagalka, sidoo kale sannad baan macalin ahaa xafiiska hanti dhawrka guud ayaan muddo saddex sannadood ah ka soo shaqeeyay, agaasime waaxeed ayaan noqday, wasiir ku xigeen ayaan noqday marka xaga dawladda laga hadlayo.”

 

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay  inay ka wasaarad ahaan tabi doonaan wasiir ku-xigeenkii hore ee xilka wareejiyay Mr.  Kaysar Cabdilaahi, waxaannu yidhi;“Liibaan waanu soo dhawaynaynaa waanan  hambalyaynaynaa, aadna waanu ugu kalsoonahay inuu xilkiisa ka soo bixi doono.”

 

“Prof. Mixile iyo Ambasador Kaysar,  waxaannu leenahay aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin, waxaanu halkan ku xasuusan doonaa hawl-karnimo, hufnaan iyo wada shaqeyn wanaagsan, waa nin aqoonyahan ah waanu tabi doona shaqadiisii,”ayuu yidhi wasiir Sacad.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply