Wasiir Xaglatoosiye oo xilkii ku wareejiyay wasiirka cusub ee caafimaadka

0
444

Hargaysa (Dawan)-  Wasiirka cusub ee  wasaaradda caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaasi Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye).

 

Xafladii  xil-wareejinta wasaaradda caafimaadka oo shalay lagu qabtay hoolka hay’ada shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargaysa, waxa ka soo qaybgalay  Agaasimayaasha waaxaha ee wasaaraddaasi, shaqaalaha caafimaadka iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

 

Wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka,  Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo wasiirka cusub ee uu xilka ku wareejinayo, waxaanu tilmaamay in tacab badani kaga jiro qaranka Somaliland; “Waan ku hambalyaynayaa  madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wasiirrada uu magacaabay, kamana xumi ka tagista uu iga tagay, 70 wasiir ayaanu ahayn, afar wasiir ayaa naga soo noqday, haddii la  soo wada celin lahaa oo aniga layga tagi lahaa ayaan wax tirsan lahaa,  waxaan  u malaynayaa dadka ayaa sanifay wasiirradii hore, madaxweynuhuna waxa uu is yidhi ‘dadka ayaa u baahan isbeddel’ aniga Somaliland tacab badan ayaa igaga jira, han siyaasadeed ayaan leeyahay, hore waxaan isku sharraxay madaxweyne ku-xigeen, walina hankaasi wuu igu jiraa, in aan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenba isku sharraxo.”

 

Dr. Xaglatoosiye oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi; “Anigu hantiile ayaan ahay, hantidaydu Hargeysa ayay taalaa, guryo ayaa iiga dhisan, ubadkayga iyo xaaskayga ayaa jooga, waan ku dhashay, dugsiga hoose dhexe ayaan kaga baxay, waxaan la yaabay ninka yidhi wuu baxsanayay, ima qabato runtii, baabuur aan anigu mid leeyahay midna ay wasaaraddu leedahay oo amarkayga ku baxay anigoo wasiir ah ayaa inta Burco lagu qabtay la yidhi way baxsanayen.”

 

Wasiirka cusub caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf  oo isaguna halkaasi  ka hadlay,  ayaa  tilmaamay in uu si caddaalad ah  ula shaqayn doono shaqaalaha wasaaradda caafimaadka. waxaannu yidhi;  “Waxa aan balan-qaadayaa in aan si caddaalad ah  oo sinnaan ah ula shaqayn doono shaqaalaha wasaaradda caafimaadka, waxaana  xafiiskaygu u furan yahay qofkii shaqo u socda, mana aha in qof aan shaqo u soconi  wakhtiga ku lumiyo wax kale.”

 

 

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, Saleebaan Jaamac Diiriye, waxaanu  ka warramay maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay wasaaraddu iyo waxyaabihii u qabsoomay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply