Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka Cusub ee Warfaafinta oo Xilkii la Wareegay

0
325

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md.  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guraybarwaaqo) iyo Wasiir ku-xigeenka wasaaradaas, Maxamed Muuse Abees, ayaa  shalay si rasmi ah xilkaa ula wareegay.

Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qaybgaleen guud ahaan shaqaale weynaha wasaaradda, abwaanno, aqoonyahanno madaxda ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo marti sharaf kale  oo shalay lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa xilka wasaaradda lagula kala wareegay.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) oo xilka wasaaradda  hayay muddo laba sanno ah,  ayaa ka warramay marxaladihii wasaaraddu ay soo martay muddadii uu joogay iyo hawlaha u qabsoomay,  waxaannu tilmaamay in wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi gelinta, markii uu xilkeeda la wareegay ay ka jireen arrimo badan oo caqabad ku ahaa habsami u socodka shaqada ay qaranka u haysay oo ay ka mid ahaayeen shaqaalaha oo ay ku jireen shaqaale wasaaradda muddo badan ka shaqaynayay oo aan wax mushahar  iyo gunno ah aan midna qaadan jirin oo uu xuquuqdoodii shaqaalenimo u hirgaliyay, shaqaale kala duwan oo isku shaqo ah oo kala xuquuq duwanaa oo uu simay iyo arrimo aanay la’aantood shaqadu socoteen oo uu fuliyay sida TV-ga qaranka oo saddex dal kala yaallay oo  uu meel isugu geeyay.

“Wasaaradda warfaafintu waxay qaranka u haysaa masuuliyad aad u muhiim ah oo ay ka mid yihiin wacyigelinta illaalinta iyo horumarinta dhaqanka wargelinta bulshada gudaha iyo dibeddaba,maaweelada iyo madadaalada. Mar waa  macalin ayay bulshada u tahay hadday carruur tahay iyo dad waaweynba oo  halabuurkii iyo suugaantii ayay gudbinaysaa,”ayuu yidhi wasiirkii hore.

 

Wasiir Caddaani wuxuu ka faahfaahiyey waayihii ay wasaaradu soo martay muddadii uu hoggaaminayey, waxaanu yidhi;  “Muddadii aan joogay wasaaradda oo laba sanno bil ka dhiman tahay duruufihii aan la kulmay oo aad u badnaa,  haddaan soo koobo waxaa ka mid ahaa,waxaa jiray duruufo  kala duwan oo shaqaalaha wasaaradda haystay oo ay ugu waynayd gunno yari, qaar badan oo bilaa mushahar ah oo soo shaqaynayay inta u dhexaysa 20 sanno illaa saddex sanno oo aan waxba qaadan jirin,kuwo mushaharka iyo gunnooyinka  ay qaataan ay kala badnaayeen oo aan sinayn iyagoo isku shaqo ah.

Waxa kaloo jirtay in TV-ga qaranku uu kala yaalay saddex dal oo kala duwan oo kala ahaa Israa’iil,Tailand iyo Somaliland taasoo marka ay duruufi timaado ama ay waxyar oo cilad ahi ay dhacdo ay kugu adkaanaysay sida aad markiiba u saxdo intaad saddexda meelood isla helayso. waxaa kaloo jirtay dhibaato wayn oo ka taagnayd dhanka mishiinada oo madaxda iyo dhammaan shaqaalaha wasaaraduba ay wadnaha farta kaga hayeen tolow mishiinku shaqada caawa muu idiin wadi taasoo haddii ay cillad yar u fadhiistaan sababaysay in ay raadyawga iyo Tv-guba in ay hawada ka baxaan.”

Wasiir Caddaani oo ka hadlayay lacag adag oo wasaaraddu intii uu joogay ay ku shubtay qasnada dawladda iyo meelaha ay ka soo baxday, waxa uu yidhi; “Waxaannu wasaaradda Maaliyadda gelinay oo aanu u celinay labada sanno ee aanu joognay shan boqol iyo sagaal kun iyo saddex boqol iyo lixdan Dollar oo ka soo kala baxay lacag ka soo hadhay satalaytka TV-ga iyo qandaraasyadii aanu helaynay. Waana markii ugu horraysay taariikhda qaranka Somaliland ay jirtay ee wasaaraddu lacag qasnada dawladda ku shubto. hadday tahay tii BBC-da iyo hadday tahay VOA.-da. Waxay rag waawayni igu yidhaahdeen intaad xaraysanayso lacagta intaa leeg maad guri ku dhistid,waxaan ku idhi carruurtaydu guri xaaraan ah geli mayso.”

Intaa ka dib wuxuu wasiir Caddaani caddeeyay in uu garab taagan yahay oo uu la shaqaynayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi isagoo caafimaad iyo cimri dherarna Alle uga baryay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo qoyskiisa.

Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax,ayaa madaxweyne Muuse uga mahadnaqay xilka uu u igmaday isla markaana balanqaaday in halkaa uu wasaaradda  soo gaadhsiiyay wasiirkii hore in ay ka sii wadi doonaan;  “Marka hore waxaan  aad ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka oo xilkaa ii igmaday, waxaanan balan-qaadayaa halkaa wasiir Caddaani soo gaadhsiiyay in aanu  ka sii wadi doono aniga iyo wasiir ku-xigeenkayguba,”ayuu yidhi wasiirka cusubi, waxaanu intas raaciyay; “Wasaaradda xidhiidh ayaan la lahaa oo dad badan oo aanu is naqaano ayaa jooga, inta kalena waanu is baran doonaa halkaas ayaynu hore uga sii soconaynaa.”

Waxaa kalo halkaa ka hadlay wasiir ku-xigeenka cusub Maxamed Muuse Abees  iyo madax waaxeedyada kala duwan ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta,  madaxda ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja,abwaanno iyo aqoonyahan kale oo munaasibadda xil wareejinta lagu martiqaaday.

Madaxda wasaaradda ee madashaas ka hadashay waxay  uga mahad naqeen wasiirkii hore ee wasaaraddaasi  in uu yahay wasiirkii u xaqsoorida shaqaalaha naanaysta ‘Caddaali’

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply