Ciidammada Ruushka oo soo Saaray Gaadhi Cusub oo Kuwa Dagaalka ah

0
462

Ciidammada waddanka Ruushka,  ayaa soo saaray gaadhi cusub oo aanay hore ciidammadu u isticmaali jirin, kaas oo markii ugu horreysay lagu isticmaalay waddanka Suuriya dagaalka ka socda.

 

Gaadhigan ayaa ah mid laga sameeyey bir aad u adag, iyada oo aanu cunayn wax shidaal ah oo badan.  Waxa kaloo  uu ku soconayaa xawaare aad u sareeya, waxaanu jarayaa   saacaadiiba xawaare aad u dheer.

Injineerrada ciidammada Ruushka u qaabilsan sahayda ciidammada,  ayaa gaadhigan  in muddo ah ku hawlanaa gaadhigan oo la yidhaa Samom, waxaannu noqday gaadhigii ugu dambeeyey ee ay wershadaha ciidammada Ruushku soo saaraan sannadkan sii  galbanaya ee 2017-ka.

 

 

Gaadhigan ayaa la saari karaa hubab kala duwan oo ay kamid yihiin gantaaladda lidka taangiyadda iyo kuwa diyaaradahaba, waxaanu wax ka dili karaa 2.5 km oo dhulka ah iyo 1.5 km oo cirka ah.

Gaadhigan gantaaladda ku xidhan waxa kamid ah ZU-23 iyo hab difaac oo si kedis ah uga hor-tegi kara weerar kasta oo lagu soo qaado gaadhigaasi iyo goobta uu ku sugan yahay, iyada oo dirawalka gaadhigan loo sameeyay qorshe uu isku difaaci karo haddii la soo weeraro.

 

Baabuurkan ayaa dhererkiisi yahay 5 mitir, halka joogiisu yahay 2.75 mitir. Waxa kaloo  culayskiisu gaadhayaa 6.5 tan, waxaanu qaadi karaa 1.5 tan oo alaab ah.

Wuxuu gaadhigan cusubi tegi karaa 160 km/ saacaddiiba ilaa 1,000 km, isaga oo isticmaalaya shidaalka lagu shubo kaareyaasha.

 

Leave a Reply