Haddii aad xanuun iyo dhibaato kala kulanto saaxiibo badan oo kugu jira facebook qoraalkooda ama sawirada ay soo dhigaan waxaad samayn kartaa inaad isticmaasho barnaamijka Snooze oo shirkadda facebook soo kordhisay.
Barnaamijkan ayaa nasasho kooban ku siinaya adigoo iska qarin kara muddo kooban 24 saac, 7 maalmood ama bil dhan. Waxa kale oo Snoooze ka hortagaayaa dadka aan si caadiga ah kuula socon.
Ujeedada nidaamkan ayay shirkadu ku sheegtay inay tahay in dadka isticmaala Fcbook ay maamulan karaan wixii ay rabaan, Waxaana shirkaddu sheegtay inay dad badani ka codsadeen inay helaan badhamo si ku meel gaadha ah ay ugu joojiyaan hadba saaxiibada iyo shirkadaha aanay doonayn inay arkaan qoraaladooda ama xayaysiiskooda iyagoon dareemin.
Inaad shirkadda ama saaxiibada aad adigu iska yara amusiiso qoraalkooda waxa ogaan kara adiga oo keliya iyaguna waa kuwo aan war u hayn. Marka aad u baahatona dib ayaad u furaysaa. Haddii saaxiibada midkood kuu sheego in aanad faalo ka bixin qoraal uu dhigay laakiin uu ka mid ahaa kooxda aad Snooze gelisay, waa inaad ogaataa in aanu isagu laba socon inaad xanibtay iyo in kale. Barnaamijkani maaha inaad qofka ka dhigayso saaxiibka Unfreind taasi oo markiiba ogaankaro, laakiin waa si ku meelgaadh ah.