Qaar kamid ah kooxaha dhismaha ka shaqeeya ee waddanka Chine, ayaa helay khamiistii la soo dhaafay, beed waaweyn oo la sheegay inay yihiin beedkii Xayawaanka Dinosaur-ta loo yaqaanno, oo la aaminsan yahay inay jiraan ilaa 130 milyan oo sannadood.
Shaqaalahan oo doonayey inay dugsi ka dhisaan gobolka Jiangxi ee Shiinaha, ayaa beedkan oo ilaa 20 midh ah helay xilli ay qodayeen goobta ay ka dhisayaan dugsigaasi, waxaana beedadkaas dusha sare qarisay ciid aad u badan oo ka dhigtay kuwo aan la arki karin marka la dul marayo.
Khubarro baadhitaan ku samaysay beedkan, ayaa tilmaamay in ay dib ugu noqonayaan Taariikh ahaan beedkani xiligii Cretaceous , kaas oo laga joogo 66 ilaa 145 milyan oo sanno ka hor.
Sawiradda laga soo qaaday beedka la helay, ayaa muujinaya beed waaweyn oo dhumuc ahaan gaadhaya 2 millimeter , kuwaas oo aad u adkaaday, waxaana goobta gaadhey khubarro sayanisyahanno u badan, kuwaas oo u qaaday beedka goobo ay sheegeen in lagu baadhi doono.
Macluumaadka hor-dhaca ah ee laga helay beedkaas iyo goobtii ay ku aasnaayeen ayaa muujinaya in laga yaabo in meeshaasi iyo qaybo ka mid ah dalka Chine ahaan jireen hoyga ilaa 20 nooc oo xayawaanka Dinasoorta ah.
Waxaana waddankan qaybo kamid ah hore looga helay beed iyo raadad ay lahayd xayawaanka Dinasaur-ta la odhan jiray, iyada oo la rajaynayo in la helo taariikho dheeraad ah oo ku saabsan dhulkaasi iyo xayawaanaadkii ku noolaan jiray.