Ceerigaabo (Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Falay, ayaa ka digay ugaadhsiga iyo boobka lagu hayo diinka iyo khayraadka macdanta dalka oo muddooyinkii u danbeeyay si ba’an uga socday degaannada buuraha gobolka Sanaag.
Axmed Falay waxa uu bulshada ka codsadey inay joojiyaan macdanta ay sida sharci darrada ah uga guranayaan buuraha ku teedsan gobolka Sanaag, taasi oo uu sheegay inay amni-darro ka dhalan karto.
“Ciidammo ayaanu u diray ciidammadiinna ogeysiis ayay sameeyeen go’aamo ayaa la gaadhay inaanay mar danbe aanay ku noqon amar la’aan buuraha gobolka Sanaag, taliye ku xigeenka ciidanka booliska ee gobolka Sanaag Boqor Maxamed Axmed Dheere, ciidan uu hoggaaminayo ayaa dadka ka soo gurey qalabkii ay macdanta ku baadhanayeen, dadkaasi waxaanu leenahay dadka degaankuna ha soo sheego inaanay dahab iyo macdan kale midna ka guran karin buurahaasi, sifo sharciga baalmarsanna aanay u guran karin,”ayuu yidhi Badhasaabku, waxaanu intaas ku daray; “Dalka dawlad ayaa ka jirta, wasaaradda macdanta iyo tamarta ayaa u xil-saaaran ciddii doonaysa inay hawshaasi wax ka qabataana sifo sharciga waafaqsan ha u marto, waxaanu leenahay ka waantooba yaan dhulkaasi fowdo iyo nabad-gelyo darro ka imane.”
Waxa kaloo uu si adag uga digay ugaadhsiga diinka, oo uu xusay in si naxariis darro ah loo guranayo;
“Waxaa cidhiidhi ba’an lagu hayaa Diinka, waxaanu leenahay waar Illaahay ka cabsada, waa xayawaan noole ah, wax allaale wax aad ku falaysaan garan mayno, haddii aanu aragno cid ugaadhsanaysa tallaabo sharciga waafaqsan ayaanu ka qaadi doonaa. ha la babaadiyo macdanta iyo hadday xayawaanka Alle ku uumay gobolka ay tahayba, aad iyo aad ayaanu uga xunnahay Diinkii oo meel walba laga guranayo,”ayuu yidhi Badhasaabka Sanaag.
Dawannews Hargeysa office