“Wasaaraddii Hore ee Dib- u- dejintu Hadda Maaha mid Shaqeynaysa” Xildhibaan Balaaki

0
377

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cigge (Cabdillaahi Balaki) oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiillada,  ayaa ka hadlay sharciyada ay ku sii taagnaan karto wasaaradda dib u dejinta Jamhuuriyadda Somaliland oo aan ku jirin 23-kii wasaaradood ee uu  magacaabay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Cabdillaahi Balaaki, waxa uu sheegay inaanay sharciyan wasaaradaasi wax jira oo shaqeynaysa aanay ahayn, isaga oo ku sababeeyay in sharciyadda dawladdii hore ay ku dhammaatay maalintii xilka jagada madaxtinimo loo dhaariyay madaxweynaha hadda haya talada dalka Somaliland.

 

“Madaxweynuhu isaga awood u leh oo wasaaradaha magacaaba, wuxuu magacaabay saddex iyo labaatan wasaaraddood, wixii aan 23-kaa wasaaradood ahayn ee aanu madaxweynuhu magacaabin, wasaarad maaha, mana jiraan mana shaqeynayaan, waxyaabaha kale ee madaxweynuhu ugu talogalay iyo siyaabaha ay u shaqeyneyso, golihii wasiirrada uun buu dhammaystiray ee wali xukuumaddii muu dhammmeystirin in wasiir kale ay hoos tagayso in hay’ad madax bannaan oo gaar loo sameynayo oo maareeye guud loo magacaabayo intuba waa wax nidaamka ku jira, wasaaradii hore ee dib u dejintuna hadda maaha wax shaqeynaysa, sharciyanna maba jirto,” ayuu yidhi Md. Cabdilaahi Balaaki oo shalay u warramay qaar ka mid ah warbaahinta.

 

Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray; “Maalintii madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, xilka jagada madaxtinimada loo dhaariyay wixii ka horreeyay ee dawladdii ka horeysay ahi sharciyadoodu waxa ay ku dhammaatay maalintaas.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply