Daruuro Hawadda Lagu Dalxiisayo!

0
412

Injineer Maraykanka ah oo qaabilsan nashqadeynta, oo la yidhaahdo  Spagou Barros, ayaa sheegay inuu wado mashruuc ah in sameeyo daruuro ay dadku fuulaan oo ay ku duuli karaan joog sare iyagoo isla markaana ku dalxiisi doona hawadda sare oo ay wax kastana arki karaan iyagoon aan cabsi qabin.

Waxa uu intaasi ku daray  in dadka ku dalxiisaya daruurtan arki karaan wax ka hooseeya sida dhismeyaasha, beeraha iyo dhammaan wixii ay markaasi dul haadayaan. Waxaana ay ku socon doonaan xawaare ka badan 130 km/s.  Injineerkan ayaa wakhti hore bilaabay barnaamijkan kaasi oo wakhtigan ku dhow dhammaad sida uu caddeeyay.

Qaab dhismeedka daruuraha u eg,  waxa laga sameeyay biro iyo biibilayaal naqas laga buuxiyay. Habka naqshadda ee daruuraha u egi waa kuwo degaanka waxtar u leh oo aan waxba yeelayn, maaha gaadiidka u baahan tamarta isla markaana abuura wasakhowga degaanka dabiiciga ah, waxayna ku shaqaynayaan dabaysha.

Waxa la is waafajinyaa xawaaraha jihadda dabaysha iyo waqtiga socdaalka iyo kolba dhinaca loo dalxiisayo, waana mid faa’iido leh oo hawadda sare ay ku raaxaysanayaan dadka saarani, laakiin mar kasta waxay ku xidhan tahay dabaysha iyo jihada ay ka socoto iyagoo wax dhib ah dareemayn dalxiiyasha ku safrayaa.

Safarku waa mid gaar ah oo waxa uu ka bilaabmi doonaa badhtamaha sannadkan cusub 2018 magaalada New York, kaasi oo ku dhammaan doona xeebta galbeed ee dalka Maraykanka. Laakiin duulimaadyada safarada caalamiga ahi waxay  bilaabmi doonaan sannadka 2020, kuwaasi oo ah kuwo qaaradaha la iskaga gudbayo.

 

Leave a Reply