Xukuumadda Somaliland oo Heshiis Shiidaal Sahamin ah oo Laga Bilaabayo Laba Gobol la Gashay Shirkadda BGP

0
379

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland.  Md. Jaamac Maxamuud Cigaal,  ayaa qalinka ku duugay heshiis sahamin  ah oo ay wada galeen wasaaaradiisa iyo Guddoomiyaha shirkadda shiidaal baadhista  BGP Mr. Li Weiping.

Heshiiskan oo saamaynaya sahamin shidaal laga baadhi doono gobollada Saaxil iyo Sanaag, lana kala saxeexday toddobaadkan horaantiisii,  Agaasimaha Guud ee wasaaradda tamarta Mr. Siciid Axmed Jibriil  oo kulankaas ka hadlay, waxa uu yidhi;  “Wasaaradda Tamarta iyo macdantu,  waxay shaacinaysaa inay heshiis sahamin shidaal la saxeexatay shirkadda BGP oo la xidhiidha boloogyada SL-9 & SL-12 oo saamigooda leedahay RAKGAS. Shirkadda BGP ayaa hore u soo gebagebaysay sahamin ay ku samaynaysay degaanno masaafadoodu gaadhayso 2500KM.”

 

Wasiirka Tamarta iyo  Macdanta Md. Jaamac Maxamuud Cigaal,  ayaa sheegay inay sharaaf u tahay wasaaradda hehiiskan ay saxeexday, kaastoo dhabada u xaadhaya horumarinta shidaalka waxaannu yidhi, “Sharaf weyn ayey noo tahay inaan heshiis la saxeexano shirkadda BGP oo  lagu sahaminayo shidaalka gobolada Saaxil iyo  Sanaag, oo ay  maalgelisay shirkadda RAKGAS.”

 

Wasiir Jaamac Maxamud ayaa intaas ku daray in hawshani tahay mid wasaaradda Tamartu hoggaaminayso, lana mid yahay kuwii hore ay uga qabatay degaanno dalka ka tirsan, sida Togdheer, Hawd, Saraar, Daad-madheedh iyo Maroodi-jeex. Waxaanu ugu baaqay shacabka gobollada saaxil iyo Sanaag inay nala shaqeeyaan, si wasaaradda Tamartu u gudato soo saarista kheyraadka dalka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply