Xukuumadda Somaliland oo Cambaareeyay Wasiir ka Tirsan Soomaaliya oo Booqasho ku yimid Badhan

0
384

Hargeysa(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa cambaareysay safarka Wasiirka Qorsheynta  Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan,  uu ku marayo gobollada Sool iyo Sanaag, isla markaana sheegtay inay tahay xad-gudub.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire,  oo shalay  warbaahinta  ugu warramay xafiiskiisa,  ayaa sheegay in socodaalka Wasiirkaasi  uu yahay mid xad-gudub ku ah Somaliland isla markaanna aanay  aqbali doonin, waxaannu yidhi;  “Runtii arrintaas aad iyo aad baan uga biyo diidan nahay. Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland xad baa u dhexeeya caalamiya oo la yaqaanno in xadkaas laga soo gudbo waxay tahay xad-gudub, arrinkaasina wuxuu khal-khal gelinayaa cilaaqaadkii aanu lahayn annaga iyo Soomaaliya,  waxayna ku dambayn doontaa uun iska hor imaad. taasi oo aan dan u ahayn dadka degaanka iyo gobolka toona.”

 

Wasiir Sacad ayaa sheegay in aanay rabin colaad ka dhalata  gobollada  Sanaag, Badhan iyo Sool. Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, ayaa ku soo beegmay , booqasho la sheegay inuu magaalooyin ka tirsan Gobolka Sanaag ku yimmi Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya iyo xubno la socday, oo u yimmi caleemo-saarka madax-dhaqameed lagu qabanayey degaankaas.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply