Jabuuti oo Madaxweynaha Somaliland ku Bogaadisay Xoojinta Xidhiidhka Labada Dal

0
386

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jabuuti u fadhiya Somaliland Md. Xuseen Cumar Kawaaliye. Kulankan oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Somaliland shalay, ayaa si qoto dheer loogu lafo-guray sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal ee deriska ah, isla-markaana loo sii xoojin lahaa. Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Md. Xuseen Cabdi Kawaaliye, ayaa madaxweyne Muuse Biixi,  ku bogaadiyey sida uu muhiimadda gaarka ah u siiyey  sidii xidhiidhka labada dal u  noqon lahaa mid midho-dhal ah, isaga oo si gaar ah carrabka ugu adkeeyey iskaashiga taabbo-galka ah ee ay labada dhinac ka gaadheen dhinacyada ammaanka iyo isu socodka labada bulsho. Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland , ayaa kusoo beegmay xilli uu xidhiidhka labada dal meel wanaagsan marayo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply