Dawladda Somaliland oo Samaysay Xeer Adag oo Aanay Lahayn Soomaaliya

0
347

Hargeysa(Dawan)- Qaybta Dunidda la hadasha ee Idaacadda BBC-da, ayaa baahisay in dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay samaysay xeer adag oo lagula tacaalayo sidii dalka looga suulin lahaa kufsiga oo beryahan dambe aad ugu soo badatay.

 

Warbixintan waxa soo turjumay oo  warkan ka diyaariyay Tifaftiraha Guud ee Dawan,  Cumar Maxamed Faarax, waxaanu u qornaa sidan:

“Waxa markii u horreysay  ay Somaliland meelmarisay sharci lagu xakameynayo  kufsiga. Xiliyadii hore, waxaa  qoysaska dhibaneyaasha  lagu dirqiyi jiray inay qofkii dhibtu gaadhay u guuriyaan kuwii kufsiga geystay, si ay uga baaqsadaan inay ceeboobaan. Dadka kufsiga geysta imika waxay wajihi doonaan ugu yaraan soddon sannadood oo xabsi ah.Somaliland waxay madax-bannaanideeda ku dhawaaqday sannadkii 1991kii oo ay ka go’day Soomaaliya, hase ahaatee wali looma  aqoonsan dal madax-bannaan. Soomaaliya wali ma jiro xeer lagula tacaalayo kufsiga. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, ayaa u sheegay BBC-da, in kiisaska kufsiga la xidhiidhaa ay kordheen Somaliland, waxaanu ku dooday  in xeerkan cusub uu gacan ka geysan doono in joojiyo  kufsiga.

 

“Sharcigan cusubi wuxuu  xoojinayaa inuu gabi ahaanba joogsado kufsigu,”ayuu yidhi Guddoomiye Baashe. Sharcigan cusub ayaa la curiyay sannado badan kadib, markii  dadka u ololeeya xuquuqda haweenka iyo carruurtu ay dedaal u galeen  in la sameeyo xeerkan oo kale. Faysa Cali Yuusuf oo ka mid ah ururrada Haweenka ayaa sheegtay inay xeerkan samayntiisa muddo dheer ka sugayeen sharci-dejinta Somaliland. Weriyaha BBC-da ee Anne Soy, ayaa caddeeyay in sharcigan la curiyay, iyadoo Somaliland ay caalamka u muujisay inay ka jirto dimuqraadiyada taabogal ah iyo laamihii dawladda oo shaqeynaya.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply