Dhul Daaqsimeed Sharci Darro Lagu Ootay oo Laga Baabiiyey Degaano ka Tirsan Togdheer

0
362

Burco(Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa digniin u diray cid kasta oo isku dayda in ay dhul daaqsimeedka gobolka Togdheer ka samayso deegaamayn  ama damacda in ay dhul daaqsimeedka ootaan oo beer ku sheegaan.

Waxaanu intaa raaciyay in ay gobolka ka baabiiyaan dhul daaqsimeed si sharci darro ah loo ootay oo beero aan jirin laga dhigtay.  waxaanu sidaa ku sheegay Guddoomiye Ramaax, mar uu xalay khadka telefoonka  ugu waramay Wargeyska Dawan.

 

“Waxa jira dad dhul boob ah oo doonaya in ay dhul daaqsimeedka xoolaha ka ootaan, kuwaas oo horena degaanno badan aanu uga soo baabiinay annagoo fulinayna amarkii dawladda ee lagu mamnuucay in dhul daaqsimeedla la magaaleeyo ama la iska ooto.markaa waxaanu imika ku soo baxnay maamulkii gobolka waxaanan baabiinay maanta(shalay) dhawr meelood oo miyi ah oo dhul daaqsimeed ah oo la iska ootay, waanan wadaynaa oo joojin mayno illaa dhul daaqsimeedka aanu xoolaha u soo wada celino wasaaradihii ay shaqadooda ahayd oo dhanna isu duweyaashoodii way nala socdaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Togdheer.

 

Guddoomiyaha oo ka jawaabayay in ay jiraan caqabado ka hor yimmi muddadii ay baabiinta dhul daaqsimeedka la iska ootay wadeen,waxaanu ku jawaabay; “May meelaha aanu wax ka baabiinaynay waa dhul miyi ah oo aanay cidiba joogin oo xoolo daaqeen ah oo la iska ootay kuwaasoo dadkii ootayna aanay joogin. waxaa kaloo jira in ficilo lagu doonayo in dhul daaqsimeedka lagu ooto oo loogu soo gabado arrimihii wanaagsanaa ee khayrka laga dooni jiray sida balliyada waqafka loo qodo ama dhismayaasha masaajidada.”

 

“Waxaan dadka uga digayaa in aan la ogolaan doonin in masaajid iyo madarasad cidla laga dhiso oo dhul daaqsimeedka loogu soo gabado ama horseedi kara in la magaaleeyo aan la aqbali karin oo aanu dumin doono cidda khayr doonaysa ee ALLE dartii u dhisaysa Masaajid ama Madarasad waxaan u sheegaynaa in aanay tacabkooda iska khasaarin ee ay u meel dayaan oo ay deegaannada magaalooyinka iyo tuulooyinka ah ee la deggen yahay ee dadku joogaan in ay ka dhisaan laakiin meel miyi cidla ah oo aan laba degenayn oo reer guuraa dadkeedu yahay oo xoolo daaqeen ah cidda masaajid  ka dhisaysa dhul daaqsimeedka in ay duulaan ku tahay ayaan u aqoonsanaynaa waanan ka duminaynaa,”ayuu yidhi Guddoomiye Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply