Sida lagu daabacay wargeyska New York Times shirkadda AT & T ayaa joojisay iibinta taleefanadeeda cusub ee Mate 10, kuwas oo la filaayey inay dhowaan suuqyadda Maraykanka soo galaan.
Shirkadda ayaa la sheegay inay u joojisay iibka taleefanadaasi arrimo dhinaca amaanka ah awgeed, sida lagu sheegay warbixin shalay lagu daabacay wargeyskaasi New York Times oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan , waxa kale oo la xanibay iibka taleefannadda shirkadda Huawei , kuwaas oo la filaayey in loo iib geeyo wadanka Maraykanka, ka hor inta aanay heshiis la gelin AT& T iyo shirkadan Huawei oo laga lee yahay wadanka Chine oo taleefannada iyaduna soo saarta.
Xubno kamid ah Golaha Congress-ka ayaa warqad u diray hay’adda FCC, taas oo ay ku sheegayaan in ay uga shakisan yihiin inay shirkadda Huawei samaynayso basaasnimo , iyada oo ay socdaan heshiis ay wada geli doonaan shirkaddaasi iyo shirkadda AT&T oo laga lee yahay dalkaasi Maraykanka.
Xubno kamid ah Congress-ka ayaa sidoo kale hay’adda Sirdoonka Maraykanka ka codsaday inay baadhaan xidhiidhka ka dhexeeya qaybaha basaasnimada dalka Chine iyo shirkadda Huawei, taas oo meesha ka saartay taleefano ay suuqyada Maraykanka u soo wada iib geyn lahaayeen shirkaddaasi iyo shirkadda AT&T.