Biyaha Iyo Sharaabka Qabow Ee La Cabo Cuntada Ka Hor Ama Ka Dib Waxay Waxyeelaan Dheefshiidka.

0
521

Culimadda dhanka caafimaadka ayaa ka digay in qofku biyo qabow ama sharaab qabow cabo ka hor cuntada ama ka dib , iyada oo lagu sheegay natiijadda daraasad arrintaasi lagu sameeyey in ay dhib u keento dheef shiidka .

Irina Khristianovic oo hogaaminaysay kooxda caafimaad ee daraasaddan samaysay oo u waramaysay wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan kasoo xigtay qormadan ayaa sheegtay in cabitaanka qabowi uu khal khaliyo caloosha marka la cabo ka hor ama ka dib marka wax la cunaayo.

“ haddii qofku cabbo  biyo qabo ama sharaab kale oo qabow cuntada ka hor ama ka dib, waxay taasi keenaysaa in calooshu shaqayn weydo, maxaa yeelay  caloosha ayaa si deg deg ah isugu soo ururaysa markay qabowdo ka dib,waxaanay meesha ka saaraysaa dheefshiidkii deg dega ahaa ee ay calooshu samayn lahayd, iyada oo waxyeelo u geysan karta Mindhiciradda laftooda “ Ayay tidhi mrs Irina .

Arrintan ayay khubaraddani sheegeen inay keento inuu markiiba qofku dareemo gaajo, iyada oo uu khal khal ku yimaado caloosha, sidoo kalena Mindhicirka uu khal khal laftiisa ku dhaco, taas oo keenta inuu shaqadiisa qabsan kari waayo.

Waxaanay intaasi raaciyeen in ay aad u khatar badan tahay arrintani marka uu qofku cuno waxyaalo Barootiin ah, madaama oo uu Barootiinku u baahan yahay saacaddo badan in lagu dheef shiido ay tanina keeni karto in uu markiiba dhaafo caloosha, una gudbo mindhiciradda oo uu fadhiisto, kuna noqdo Sun.

Dhakhaatiirta ayaa kula talisay dadka inay waxyaalo diiran cunaan cuntadda ka dib, gaar ahaana shaah ama biyo diiran inay cabaan markay wax cunaan ka bacdi.

Leave a Reply