‘Waxaanu Samayn Doonaa Soohdin Lagula Xisaabtamo Agaasimayaasha iyo Tifaftirayaasha’

0
475

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Waraafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa sheegay inay wasaarad ahaan u qorshaysan tahay inay warbaahinta u dhigaan soohdin adag oo aan laga tallaabi karin, iyadoo aan waxba loo dhimaynin madax-bannaanida saxaafadda dalka.

 

Wasiirku wuxuu caddeeyay in wasaaradiisu  wacyigelin badan samayn doonto si meesha looga saaro qabyaalada iyo wax kasta oo  bulshada kala geynaya. Waxaanu sidaasi ka sheegay hadal kooban oo uu ka jeediyay fadhigii aqalka wakiillada ee shalay oo uu ka mid ahaa wasiirradii la ansixiyay, waxaanu yidhi;  “Wasaarada warfaafintu waa halka ummada laga hago ee laga hanuuniyo, waxna laga barto. sidaas darteed maalmahan waxaad la socoteen in wasaaradda warfaafinta ama warbaahinta wadankeenna si aan sideedii ahayn loo adeegsanayay, qabyaaladna loo adeegsanayay. imika annaga waxa naga go’an inaan warbaahinta dawladda iyo ta madaxa bannaan midna aan loo adeegsan doonin qabyaalada iyo kala qoqobida dadweynaha, si taasi noogu hirgasho waxaannu adeegsan doonaa wacyigalin iyo kor-u- qaadida waddaniyada iyo is jaceylka isu-soo-dhawaanshaha bulshada koone ilaa koone.”

“Wasaaraddu waxay noqon doontaa wasaarad isku xidha wasaaradaha iyo dawladda. waxaa noo qorsheysan oo aanu isla garanay in aan madaxda dawladdu heerka ay doonaanba ha ahaadaane aanay adeegsan doonin warbaahinta gaarka ah ee ay adeegsan doonaan warbaahinta wasaaaradda  warfaafinta, si  ay taasi u hirgasho waxaanu idinka codsaneynaa haddii aad goleyaasha tihiin in wax kasta oo aad u baahan tihiin aanu diyaar idinla nahay idiinna samayn doono xafiis  nalagala soo xidhiidho  oo wax kasta oo aad u baahan tihiin hadday tahay wacyigalin, wanaag, tabaabushayn aad idinku adeegsataan. Ma  dhici doonto inta uu suldaan meel isa soo taago oo reer farta uga soo luli doono oo  loo  adeegsan doono warbaahinta.’’

‘’Waxbarashada iyo kor u qaadka waddaniyada dadka ayaanu  ku dedaali doonaa inaanu tayeyno barnaamijyada ay warbaahinta wasaaraddu soo saarto, hadday tahay xaga wargeysyada, Tv-ga iyo Idaacadaba,”ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray inay samayn doonaan soohdin aan la dhaafi Karin oo ay kula xisaabtami doonaan tifaftireyaasha wargeysyada iyo Agaasimeyaasha Tv-yada, waxaannu yidhi;
“Waxa dhici jirtay in weriye wax sheegay la xidho,  taasina ay keeni jirtay in la yidhaahdo weriye ayaa la xidhay. Waxa noo qoondaysan in aanaan la xisaabtamin weriyaha,  laakiin aanu la xisaabtanno agaasimayaasha Tv-yada iyo tifaftirayaasha wargeysyada.  sababtuna waxa weeyaan tifaftiraha ayaa ka masuula wararka ku soo baxaya wargeyska,  agaasimaha ayaa ka masuula wixii ku soo baxaya Tv-ga. waxaannu la xisaabtami doonaa tifaftiraha.  Sidaasi darted,  waxay  noqon doontaa isbeddel weyn oo aanu  samayn doono. iyadoo  aanaan cabudhinaynin warbaahintii ama xoriyatul qawlkii, haseahaatee waxaanu samayn doonaa  soohdin aan laga tallaabin oo noqon doonta mid lagula xisaabtamo agaasimayaasha Tv-yada iyo tifaftirayaasha wargeysyada.’’

Dawannews Hargeysa office

 

 

 

 

Leave a Reply