Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya oo Shaaciyey Inay Xoojinayaan Cilaaqaadka Saaxiibtinimo ee Labada Dal

0
528

Addis ababa(Dawan)- Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Dessalegn ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu Hoggaaminayo oo booqashada ku tagay dalkaasi si diiran u qaabilay, waxaanay labada Hoggaamiye ka wadahadleen qodobbo  ku saabsan adkaynta cilaaqaadka labada dhinac gaar ahaan  nabadgelyada, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Waxa kaloo ay  lafo-gureen arrimo la xidhiidhay siyaasadda Geeska Afrika iyo in la sii xoojiyo xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dal.

Kulankaas kadib waxa si  wadajir ah  war-baahinta  ula hadlay Madaxweynaha  Somaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha  Itoobiya, waxaanay sheegeen inay ka wada hadleen arrimaha la xidhiidha nabadgelyada, iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, isu-socodka, ganacsiga iyo doorka horumarineed ee uu labada dhinac u yeelan doono jidka isku xidhi doona Berbera ilaa Wajaale ee (Berbera corridor) oo hirgelintiisu ay qayb kaalin weyn  ka qaadan doonto ganacsiga ballaadhan ee ka dhexeeya labada dhinac.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya isla soo qaadeen qodobbo ku wajahan xoojinta wax wada qabsiga labada dal. “Waxaanu wada falanqeynay dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen nabadgelyada, iskaashiga dhaqaale ee labada dal iyo arrimo siyaasadda la xidhiidha gaar ahaan Geeska Afrika. Waxa kaloo aanu uga mahadcelinay xidhiidhka wanaagsan ee labada dal ka dhexeeya,”ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

Ra’iisal wasaare Hailemariam Dessalegn, ayaa sheegay in nabadgelyada labada dal ay tahay mid aad iskugu xidhan, waxaannu yidhi;  “Waxaanu ka wada hadalnay arrimaha nabadgelyada, sababtoo ah waxaanu aaminsanahay nabadgelyada Itoobiya inay tahay nabadgelyada Somaliland, sidoo kalena nabadgelyada Somaliland waa nabadgelyada itoobiya. Waxaanu ka wada hadalnay in aanu Somaliland ka wada shaqayno  horumarinta  mashruuca Berbera corridor,  in la horumariyo oo aanu annaga iyo saaxiibadayo  sii wadno horumarinta mashruuca, si ay uga wada  faa’iidaystaan labada wadan.”

Dhinaca kalena, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa  si ballaadhan loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha  Bole International Airport,ee magaaladda Addis ababa, waxaana ka hortagay  oo qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu.

 

Weftiga waxa loo gelbiyey   qolka nasashada ee madaarka Bole International Airport, ka dibna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  uu madaarka kula hadlay warbaahinta, waxaanu sheegay in booqashadiisu  ay qayb ka tahay sii xoojinta xidhiidhka dheer ee taariikhiga ah ee u dhexeeya labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya. “Somaliland waxa ka go’an sii xoojinta nabadda iyo deganaanshaha Gobolka Geeska Afrika iyo sidii looga wadashaqayn lahaa in Geeska Afrika gaadho horumar iyo xidhiidh wanaagsan oo ay wada yeeshaan dalalka Gobolku,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kaloo uu intaas raaciyey;  “Itoobiya waa dal taariikh dheer oo ay ku faanto qaaradda Afrika leh, waxaannuna tixgelinaynaa doorka ay Itoobiya ku leedahay Midowga Afrika.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa dhinaciisa  sheegay in labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland iyo shucuubtoodaba uu ka dhexeeyo cilaaqaad qoto dheer, taasoo faa’iido u ah deganaanshaha iyo ammaanka labada dal iyo ta gobolkaba, isagoo xusay in goobta istaraajiyadeed ee ay ku taallo Somaliland ay tahay mid ahmiyad wayn ugu fadhida dalka Itoobiya.

“Goobta ay Juquraafi ahaan ku taallo Somaliland ayaa ah mid faa’iido u leh Itoobiya iyo Somalilandba oo sii adkaynaysa iskaashigayaga oo aanu ka shaqeynayno inaanu sii xoojino mustaqbalka,”ayuu yidhi  Dr. Workeneh Gebeyehu.

Madaxweynaha waxa booqashadiisa Itoobiya oo qaadanaysa laba maalmood ku weheliya Wasiirka  arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad, Wasiirka waxbarashada iyo sayniska, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon),Wasiirka Arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire oo weftiga kaga biiray Itoobiya iyo  Taliyaha ciidanka qaranka, sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply