Dawladda Itoobiya oo Faahfaahisay Qodobbo ay Ku Heshiiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

0
371

Addis Ababa(Dawan)-Wakaallada wararka Itoobiya, ayaa sheegtay in Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn uu madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi,  kala hadlay  qodobbo ay ka mid yihiin in la sii  xoojiyo iskaashigooda arrimaha nabadgelyada, dhaqaalaha iyo is dhex-galka ganacsiga  ee labada waddan.

 

Warbixinta wakaaladda ENA, waxa soo turjumay oo warbixintan ka diyaariyay Tifaftiraha guud ee Wargeyska Dawan Cumar Maxamed Faarax, oo ka diyaariyey warkan:-

 

“Ra’iisul-wasaare Hailemariam Desalegn oo Salaasadii  xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxay labada hoggaamiye isku afgarteen  inay si wadajir ah u horumariyaan arrimaha dekedaha, si loo adkeeyo is-dhexgalka dhaqaale ee labada dal.

 

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu caddeeyay inay  kor u qaadayaan  iskaashiga dhaqaalaha  ee ay dawladda Itoobiya la wadaagto  Somaliland, waxaanu iftiimiyey inay isticmaalayaan  marsadda Berbera.

 

Waxa kaloo uu  intaas ku daray in dalkiisu uu horumarin doono jidadka si ay ugu fududaato isticaalka dekedda Bebera.

 

 

Hailemariam Desalegn wuxuu ku dooday in horumarka dalalka  jaarku ay ula mid yihiin horumarka waddankiisa oo kale, waxaanu xusay inay sii wadayaan deeqaha iyo fursadaha waxbarasho ee ay siiyaan Somaliland.

 

Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay inay Somaliland ka taageerayaan la dagaalanka argixisada.

 

Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa  dhinaciisa sheegay inay Somaliland  sare u sii qaadayso  xidhiidhka soo jireenka ah ee ay la leeyihiin Itoobiya oo uu bayaamiyey inay   dhidibada u adkaynayaan cilaaqaadkooda saaxiibtinimo gaar ahaan  dhinacyada  nabadgelyada, dhaqaalaha, ganacsiga iyo waxbarashada.”

 

Madaxweyne Muuse Biixi waxa booqashadiisa Itoobiya oo qaadan doonta muddo saddex maalmood ah ku weheliya, Wasiirka  arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad, Wasiirka waxbarashada iyo sayniska, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon),Wasiirka Arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire oo weftiga kaga biiray Itoobiya iyo  Taliyaha ciidanka qaranka, sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply