Ruushka Oo Markii Ugu Horeysay Gawaadhida Ciidamada Ee Beebeega Qori Weyn Ku Rakibay .

0
1019

Wershadda ay ciidamada dalkaasi Ruushku ku lee yihiin jamhuuriyadda Tova ee Barriga dalkaasi Ruushka ayaa u bedelay gawaadhida ciidamadu isticmaalaan ee Beebeega Somalidu u taqaano kuwo la saaray qoryo waaweyn oo nooca kaaraha ah.

Qorigan gaadhigan la saaray ayaa ah mid gaadhaaya dhererkiisu ilaa 120mm , kaas oo ah nooca loo yaqaano Nona-SVKA, waxaanu awood u lee yahay inuu ciidamada Cadowga ka burburiyo masaafo dhan ilaa 12.5 km, waxa kale oo lagu rakibay gantaalo  loogu talo galay in lagu burburiyo kaareyaasha.

Kornel Yaroslav Roshbakkin oo ah caawiyaha taliyaha ciidamada  gobolada dhexe ee Ruushka  oo ka hadlaayey habkay u farsameeyeen gaadhigan ay qoriga saareen ayaa sheegay in qorigani yahay mid dhererkiisu gaadhaayo ilaa 120 mm, waxaanu intaas ku daray inuu si fiican wax uga dili karaayo meelaha  Buuralayda ah.

Ciidamada gaadhigan saaran ayaa u isticmaalaaya diiraddo marka ay ridayaan qorigan ama isticmaalayaan, waxaanu culayska gaadhigani noqonayaa ilaa 14.5 tan, waxaanu dherer ahaan noqonayaa 7.73, halka uu baladh ahaana noqonaayo 2.9, waxa uu xawaaraha gaadhigani noqonayaa ilaa 80 km/ saacadiiba mid jaraaya .

Waxa kale oo lagu sameeyey gaadhigan  bir adag oo aanay xabada yari waxba ka tarayn, iyada oo sidoo kalena lagu xidhay qoriga sida daran dooriga ah u dhaca oo isaga laftiisu meel fog lagaga dagaalami karaayo.

Leave a Reply