Xarunta Boqortooyada Dumarka

0
996

Mosuo waa qabiilo degan dalka China gaar ahaan deegaanka Yunnan, waxayna xad la leedahay Tibet. Tirada bulshadan ayaa gaadhaysa 40,000.

Caadooyinka Bulshada Shiinaha ayaa aad u kala duwan, qabiilada Mosuo ayaa leh caado iyo dhaqan ay mudo dheer  ku dhaqmayeen. Doorka Gabadha ayaa ah mid muhiim ka ah iyadoo maamulaysa, go’aanka leh arimaha oo dhan.  Gabadha ayaa  looga danbeeyo arimaha siyaasadda, xukunka, sharciga iyo akhlaaqda bulshada.

Ragga  qabiiladan ayaan wax faro gelin ah ku lahayn arimhaasi waxa keliya ee ay qabtaan waa inay xoolaha qalaan, kaluumaysiga iyo inay doofarada xeryaha ku ilaaliyaan hawlahaasi oo aanay dumarku shaqo ku lahayn..  Looma ogola raggu inay guryaha kula noolaadaan dumarka waxa keliya ee loo ogol yahay inay habeenkii soo booqdaan. Ragga ayaa ah kuwo la xaqiro iyadoo luqadda qabiiladan aanay ku jirin xataa kelmadda Aabo.   Qabiiladan ayay gabadhu tahay tan keliya ee qoyska xukunka u haysa, hadii ay dhimato hooyada qoysku dhamaan xoolaha iyo maamulku wuxu ku wareegaa hablaha ay dhashay ragguna waxba kuma laha dhaxalka. Qabiiladan macno weyn kuma laha guurku waxa keliya ee ninku rabaana waa inuu caruur dhalo.

Leave a Reply