Dawladda Imaaraadka oo Hirgelinaysa Mashaariic ku Lammaanaa Heshiiskii Saldhiga Berbera

0
326

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyada Somaliland,  Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in mashaariicdii horumarineed ee ku lammaanaa  heshiiskii saldhiga millatari ee ay dawladda Imaaraadka Carabtu la gashay xukuumadda Somaliland ay  bilaabmi doonaan bilaha fooda innagu soo haya ee sannadkan cusub.

Wasiir Sacad,  waxa uu sidaasi ka sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta isaga oo jooga caasimadda London ee dalka Ingiriiska, waxaanu xusay  in heshiiskaas ay wadagaleen labada dawladood ee Imaaraadka Carabta iyo Somaliland uu yahay mid dhaqan gal ah, si dhakhso ahna loo fulin-doono.

 

”Heshiiskaas ay wada galeen xukuumadda Somaliland iyo Imaaraadkak Carabta, waxa ansixiyey golihii wasiirrada ee xukuumaddii xiligaa jirtay iyo labada gole ee baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida), markaa isagu waa heshiis jira oo ay Somaliland la gashay dawladda Imaaraatka, mana aha mid laga noqday, hase ahaatee waxa uu ka kooban yahay mashaariic kala duwan, fulintooduna wakhti ayayn u baahan yihiin iyo farsamooyin, markaa insha allaahu waxaan rajeynaynaa sannadka cusub ee inoo  bilowday inay dhaqangalaan,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Waxa kaloo  uu ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka soo cusboonaatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. waxaanu bayaamiyey  in aanay Somaliland  cidna duulaan ku ahayn, xaqna ay u leedahay inay sugto xuduudaheeda, cid kasta oo taa kala hadasha Somaliland-na ay tahay gardarro, waxaannu yidhi;  “Horta ciidammada Somaliland dhul kale may qabsan, xuduudkoodii kamay talaabin, hadda ciidammadu waxay ku sugan yihiin Tukaraq, xuduudkoodiina 60km ayaa ka baaleeya oo ay xaq u leeyihiin inay gaadhaan, waxaana wax la yaqaano ah xadka Somaliland iyo Soomaaliya ay kala lahaayeen, waxaanu ahaa mid la jeexay xilligii ay joogeen Ingiriiska iyo Talyaanigu cid ka hadli kartaana ma jirto, caalamkuna waa mid uu ogyahay.”

 

“Doorashadii madaxooyadu waxay ahayd mid taariikhiya ilaa iyo imika caalamka astaan u noqotay, isla markaana tirsi ahaan ku ahayd doorashadii 6 aad ee ay Somaliland qabsato dhammaantoodna ay caalamka goobjoogayaal ka socdaa ay kor joogto ka ahaayeen, mana jirin mid keliya oo yeelata khilaaf iyo turxaan iyo dacwado hanaanka dimuqraadiyada waxyeelo ku ah,”ayuu yidhi wasiirka Khaarajigu.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply