Xisbiyada Mucaaradka oo la soo Saftay Shirkadaha Isgaadhsiinta, Kana Hor Yimid Qorshihii Xamaynta Sicir-bararka

0
371

Hargeysa(Dawan)- Shirkadaha Isgaadhsiinta, ayaa wada qorshe ay  ku doonayaan inay  dhiciseeyaan go’aamo xukuumadda Somaliland ku maaraynayso  xal u helida    dhibaatada sicir-bararka iyo sarif-bararka aafeeyay dalka.  Shirkaduhu waxay  ka  galgalanayaan  fulinta qodobbada ka khuseeya go’aanka xukuumadda, waxaanay   adeegsanayaan xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID.

Inkasta oo xukuumaddu aanay wali si rasmi ah ugu dhawaaqin qaraarkan, waxase ilo looga qaateen ahi weriyeen in dawladdu  qodobbada ay soo saartay ay ku jireen in Shirkaddaha Telesom iyo Dahabshiil ee leh adeegga Zaad iyo E-Dahab, ay joojiyaan lacagta Doollar-ka ee lagu shubayo telefoonnada gacanta wixii ka yar $100 (Two Digits), kana saaraan nidaamkooda Dollar-ka muddo toban cisho gudahood ah.

 

Sidoo kale shirkaddaha waaweyn ee leh bangiyada gaarka ah (Private Banks) sida Dahabshiil Group iyo Telesom Group, lagu amray in ay si rasmi ah u joojiyaan isku beddelka lacagaha sarifka ee qalaad (Foreign Money Exchange), halka  ganacsatada wax dhoofisa waxna soo dejisa (Import & Export) sida Shirkadda Oomaar, Shirkadda Deero iyo IWM, aanay iyaguna si toos ah iyo si dadban toona uga ganacsan karin isku beddelka lacagaha.

Haddaba, shirkadaha   Telesom iyo Dahabshiil oo mar walba  si joogto ah uga hor yimaada inay fashiliyaan  qorsheyaasha wax lagaga qabanayo sicir-bararka saamaynta adag ku yeeshay bulshada danleyda ah ee ay ka macaasheen. Shirkadda Telesom  ayaa caado ka dhigatay inay go’aamada xukuumadda u macnaysato in shirkadeeda lagu naafeynayo.

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay, si cad uga  soo horjeestay  siyaasadda  lagu xakameynayo sicir-bararka waddanka ka jira, iyagoo aan eegayn maslaxada shacabka iyo danta qarankaba, hase ahaatee u muuqda inay taageerayaan shirkado ganacsi.

 

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si xaqiiqada ka xog   madaxweynaha Somaliland ugu  eedeeyay inuu xidhayo Dahabshiil iyo Telesom, waxaanu yidhi;  “Madaxweyne Muuse Biixi ayaa yidhi saddex cisho I suga sicir-bararka ayaan jawaab ka bixinayaaye, wuxuu doonayaa  inuu wax fajaciso ah sameeyo, adduunka waxaasi kama jiraan.  Guddi buu sameeyay madaxweynuhu waana wasiirradii yaryaraa ee imika la magacaabay. Labadii shirkadood ee naftaba ku hayay dawladda  Dahabshiil iyo Telesom ayuu markiiba dagaal ku bilaabay oo uu yidhi  xidha oo Zaadka xidha.”

 

 

Dhinaca kalena, Cabdulaahi Axmed Daamur oo ka mid ah hoggaanka sare Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa Sabtidii sheegay in guddidan xukuumaddu u saartay sicir-bararka looga gol leeyahay in shirkado gaar ah culays lagu saaro, waxaannu yidhi;   “Arrinta ugu muhiimsan ee dalka Somaliland imika taallaa, waa arrinta Sicir-bararka oo ah runtii culays haysta bulshadan, Xukuumaddana laga warsugayo sida ay ka yeesho, inkasta oo ay guddi dirtay oo guddida saluug laga muujiyey, xogo aanu helayno ayaa  sheegaya  guddidaasi inay  durba  u qaaday  tallaabada xaggii aan saxda ahayn, macnaha waa xagii ay xukuumaddii hore ku fashilantay,”ayuu yidhi masuulkaas u hadlay xisbiga WADDANI.

Mr. Daamur waxa kaloo uu intaas raaciyey; “Haddii Guddidii hore iyo guddidani  isku arrin noqdo oo ay noqdaan guddi siyaasadeysan, oo uu noqdo guddi Shirkaddo-na culays lagu saarayo, shirkaddana gaadhsiinaya shirkaddo kale oo ay arrintu sida noqoto ee aanay Sicir barar iyo hawshiisii u dhaqaaqin guddidan uu madaxweynuhu u saaray xal u helida Sicir bararku dhibaato ayuu keenayaa.”

 

Go’aanka xukuumadda oo lagu wado inuu lagu dhawaaqo maalmaha fooda innagu soo haya, waxa ku jiray in  wasaaradda maaliyaddu ku wareejiso baanka dhexe lacagtii dollar-ka ahayd ee ay ku qaban jirtay kuna keydsan jirtay Account gaar oo uga furnaa Baanka Dhexe.

Shirkaddaha ka ganacsadda qaadka ayaa iyagana la faray  inay lacagta qaadka ku bixiyaan lacagta birta ah dalka itoobiya, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey lacagta qaadka ku bixinayey dollar, taas oo sababtay sarif bararka ka jira suuqyadda Somaliland.

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa xilligii lagu jiray ololihii doorashada madaxtooyada xukuumaddii hore ku eedeyn jiray inay wax ka qaban wayday sicir-bararka, iyadoo ay fajiciso tahay inay tallaabadii loogu danaynayo bulshadaba ay  la soo saftaan shirkado gaar ah oo dhaqan ka dhigtay inay ku dul noolaadaan shacbiga Somaliland ee dan yarta ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply